Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Roob ma hiigaan ah, oo onkod iyo hillaac badan oo saacaddan ka da’aya Borama

$
0
0

rainAwdalpress – Borama – Saacadahanba waxa magaalada Borama iyo nawaaxigeeda ka da’aya roob ma hiigaan ah oo kala xidhay isku socodkii magaalada, laakiin wax khasaara ah oo uu illaa immiga geystay lama soo sheegin.

 

Roobabka xilligan ka curtay degaannada gobolka Awdal ayaa qaboojiyey kulaykii ka jiray degaanka. Sidoo kale waxa ku diirsaday shacabka oo muddaba aad uga cabanayey roob la’aan iyo abaar. Shalay oo ugu danbayseyna waxa dadka xoolaha dhaqatada ah iyo beeraleyda la gaadhsiinayey kaalmo raashin ah. Oo ay dawladda Somaliland ugu deeqday.

 

Duruufaha roob la’aaneed ee keenay biyo yaraanta iyo abaaraha ayaa dadka degaannada Awdal ay muddaba aad uga qaylinayeen. Balse roobkan ka curtay xillan ayaa rajo fiican gelinaya.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles