Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Somali-land oo xidhay xuduudaheeda iyo Jawiga Boorama

$
0
0

duuurAwdalpress(Burco) 17 May, 13–Maamulka Somali-land ayaa ku dhawaaqay in ay xireen gebi ahaan xuudadaha maamulkaas ee cirka, dhulka iyo badda.

Wasiirka arimaha gudaha maamulka Somali Land, Maxamed Caraale Nuur Duur ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Burco ka sheegay, in maanta oo Jimco ah iyo gelinka hore ee Sabtida berri ah ay xireen guud ahaan xuduudaha maamulka Somali-land.

Wasiirka ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyada loo hakiyay sababo la xiriira xaqiijinta amniga xilli lagu guda jiro diyaar garow xuska 18-ka May oo ah maalintii maamulka Somali-land sheegeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Maxamed Caraale Nuur Duur ayaa ugu baaqay in shacabka dulqaataan maalmaha ay socdaan howl-gallada, isagoo ka codsaday in ay garab siiyaan ciidamada si amniga loo adkeeyo.

Dhanka kalana ciidanka nabadgelyada ee magaalada Boorama ayaa la sheegayaa in ay qabqabteen dhalinyaro looga shikiyay inay Abaabulayaan kacdoono ay ku lid ah 18 May, dad goobjoogayaal ah ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in ay Arkayeen ciidamada oo qabqabanaya dhalinayaraadi, waxaana aragnay yidhaahdeen markii ay yimaadeen guriga Ayaanle Siciid Khaliif oo ay saareen gaadhigii Booliska. Saarkiisha Ciidanka ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dhalinayaradaasi la sheegay in saldhiga lagu xidhay.

Maamulka G/Awdal iyo ka degmada Boorama ayaa ku mashquulsan Abaabulka xuska maalinta 18 may oo ku began maalintii ururkii SNM kaga dhawaaqay Burco goosashada Somaliland.

Jawiga magaalada ayaa degen waxaana magaalada soo gaadhay wasiiro ka socda Somaliland iyo Saraakiil ciidan, waxaana jidadka magaalada Boorama gaafwareegaya ciidamo, balsemagaaladu wax bandoo ah kuma jirto, gaadiidka ayaana si caadi ah socda, waxaana jira Baabuur ay saran yihiin Cod baahiyayaal kuwaas oo ay ka socdaan Heeso.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles