Awdalpress(Ruqi) 28 Jun, 13–Qaar ka tirsan shacabka ku nool deegaanno hoos taga degmooyinka Baki iyo Dilla ee gobolka Awdal ayaa billabay dib u howlgellinta waddo isku xiri doonta labadaasi degmo.
Dhismaha waddadan ayaa la sheegay inay shacabku si iskood ah isugu xilqaameen, maadama ay noqonayso waddo hal-bowle ah.
Cumar Sheekh Aadan oo ka tirsan guddi ganacsato ah oo isu abuubulay hir-gellinta waddadan ayaa ugu baaqay jaaliyadaha dibadda iyo kuwa gudaha ee gobolka Awdal inay ka qeyb-qaataan sidii loo furi lahaa waddada.
Wuxuu sheegay in hadii la furro waddada ay muhiim u noqonayso kumanaan Beeralay ah oo hadda ku kala xaniban degmooyinka Baki iyo Dilla.
Hay’adda dhista waddooyinka ee maamulka Somaliland oo marka magaceeda la soo gaabiyana la yiraahdo “SRA” ayaa dhistay waddadan, balse roobab xooggan ayaa burburiyay waddada.





