Awdalpress(Cadaado) 28 Jun, 13–Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa maanta ku dhowaaqay in horjooge Xasan Daahir Aways oo ka tirsan kooxda al-Shabaab uu oggolaaday in uu ka baxo deegaannada maamulka uu ka arrimiyo.
Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, Maxamed Cumar Hagafeey oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in kaddib wada-hadallo saacado badan qaatay oo dhexmaray maamulkooda, wafdigii dowladda ee ka yimid Muqdisho iyo Xasan Daahir Aways ay isla garteen inuu Xasan ka tago deegaannada Ximan iyo Xeeb.
Wuxuu sheegay in horjooge Xasan Daahir Aways uu aqbalay inuu ka safro deegaannada Ximan iyo Xeeb, maadama uu ku adkeystay go’aankiisa ahaa inuusan aadin magaalada Muqdisho.
Hagafeey ayaa xusay in guddi 14 xubnood ah loo saaray ka bixintaanka Xasan Daahir ee deegaannada maamulka Ximan iyo Xeeb, iyadoo uu tilmaamay in guddiga uu dib ka soo sheegi doono halka uu u baxayo.
Halkan ka dhageyso warbixin iyo codka Hagafeey.
http://www.bar-kulan.com/2013/06/28/xasan-daahir-oo-oggolaaday-inuu-ka-tago-cadaado/




