Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Faallo: Wasiirada Cusub ee Arimaha Dibada iyo Arimaha Gudaha ee Somaliland Maxaa Sugaya ?

$
0
0

FaalloAwdalpress(Borama) Wasiirada Cusub ee dhawaan loo magacaabay Wasaaradaha Arimaha gudaha iyo Arimaha dibada Somaliland maxaa sugaya ee ay uGu iman doonaan xilalka wasaaradaha loo dhiibay .

Markaan ku horayno wasaarada Arimaha dibada, waxa sugaya wasiirka cusub ee loo magacaabay hawlo badan oo murugsan kuwaas oo uu ka tegay wasiirkii xilka laga qaaday, maxaa ka mid ah;

1- Wanaajinta xidhiidhka xumaaday ee Qaramada midoobay iyo Maamulka Somaliland, Arintaas oo u muuqata in dhamaanba xidhiidhkii ka dhexeeyay labada dhinac uu wiiqmay, sida in la joojiyay ruqsadii diyaaradaha qarmada midoobay ay ku soo fadhiisanayeen Hargaysa iyo Berbera.

2- Xafiisyadii uGu muhiimsanaa Siyaasada dibada ee dalalka Jaarka oo dhamaantood aan shaqayn, Isla markaana u muuqda inay hawlgab noqdeen

3- Heshiiyadii wakhtigii Rayaale oo uu laalay wasiirka hore, isla markaana aan la hayn heshiis cad oo ay cid kala sexeexdeen wasiirka  xilka ka tegay.

4- Habkii maamul ee wadashaqaynta masuuliyiinta wasaarada iyo wasiirka oo lunsanaa mudadii xilka uu hayay wasiirkaasi xilka wareejinayaa, wasaaraduna ahayd Wasaarad qof keli ahi degta ku sitay.

5- Iyo Caqabado badan oo qarsoon, kuwaas oo gooni ku ahaa wasiirka, isla markaana ay gelisay Aqoon la’aan haysatay iyo kalsooni uu isa siiyay in uu xilka ku nagaanayo, waxaana kuwaas ka mid ah in uu Siyaasadii dibada ee Somaliland ku laalay Maqaam-Sare wax uu uGu magacdaray, taas oo la rabo in laga soo dejiyo iyo isaga oo sii laalay rajadii xidhiidhada dibada lala lahaa, isla markaana loo baahan yahay in wasiirka cusub uu ogaado in uu meel cidlo ah ka bilaabayo shaqada wasaaradaasi.

Wasiirka Cusub ee Arimaha gudahana waxaa sugaya, Arimo badan oo qaboojiyaha wasaarada uu  ku ritay Wasiirkii hore, kuwaas oo uu doonayay in ay u qaboobaan, waxaana ka mid ah;

1- Dilal faro badan oo ay shacabka u geysteen Askarta Booliska ee hoos yimaad Wasaarada Arimaha gudaha.

2- Duqay iyo dad faro badan oo u xidhan dambiyo aanay gelin iyo dilal aanay geysan, isla markaana ku xidhan Amar gudi nabadgelyo.

3- Dilal ay geysteen kooxo aan la garanayn cida adeegsanaysay, kuwaas oo ay ka mid yihiin dilal dhacay dabayaaqadii cahdigii Rayaale talinayay iyo bilawgii maamulka Siilaanyo, una badan dilal xaqdaro loogu geystay dad rayid ah, waxaana laga baqayaa in hadii wax laga qaban waayo ay dhacdo Aargoosi, kiisaskaasi waxay ka dhaceen Bari iyo Galbeedba.

4- Wasiirka hore ma ahayn mid Afyaqaan Hay’adaha Qaramada midoobay ee ka caawiya Somaliland dhanka nabadgelyada, waxaana halkaasi ku baaqday mashaariicdii xoojinta Amaanka loogu talogalay ee lagu tababari lahaa Askarta Booliska iyo ciidamada kale ee Amaanka.

5- Isku xidhnaan la’aan ka dhexjirtay D/hoose iyo Wasaarada Daakhiliga, waxaana baaqday mashaariic faro badan oo horumarineed, ma jirin la xisaabtankii wasaarada iyo D/hoose ee degmooyinka u dhexeeyay, taasna waxaa lagaa rabaa hagaajintoodii.

Wasaaradaha Daakhilga iyo Khaarajigaba waxaa sugaya hawlahaa aan kor ku soo tilmaamay iyo kuwo kale oo faro badan, waxaanan filayaa haddii aad hawlahaasi ka gudubtaan oo wax muuqada aad ku talaabsataan in Umaddu idin xusi doonto mustaqbalka, hadii kale baal madaw aad ka geli doontaan taariikhda, waxaanan ku rajoweynahay in hadii aad hawlihiina u madax banaanaan weydaan aad warqada Tanaasulka iska gudbin doontaan.

Hashim Goth

Awdalpress

Borama


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images