Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciidanka maamulka Axmed Madoobe oo la wareegay Kismaayo iyo Xasan Sheekh oo Cambaareeyay Dagaalka socda

$
0
0

KismayoAwdalpress(Kismaayo) 29 Jun, 13–Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in uu istaagay dagaalkii u dhexeeyay ciidanka maamulka Jubbaland ee Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo kuwa daacad u ah Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo kaashanayay siyaasiyiin madaxweynayaal sheegtay.

Tirada dhimashada dagaalkii maanta ayaa lagu sheegay 70 qof oo u badan dhinaycadii dagaallamay, xagga dhaawacu uu kor u dhaafay 100 qof oo u badan dad rayid ah.

Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa la sheegayaa in ay gebi ahaan uu ku hayo gacanta magaalada Kismaayo kaddib markii uu magaalada ka saaray dhinacayadii ka soo horjeeday, walow aan wali la ogeyn halka ay ku dambeeyaan hoggaamiyaashiis dhinacyadaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madaafiicdii la isweydaarsaday intii uu socday dagaalku ay qaarkood ku dhaceen guriyo ay daggan yihiin qoysas kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay ku adagtahay la  tacaalidda dhaawaca la keenay isbitaalka maadaama, ay isbitaalka ka jirto xaalad daawo la’aaneed.

Dhinacyada isku hayo Kismaayo ayaa ka baaqsaday in ay u hoggaansamaan baaqyo looga codsanayey in ay dagaalka joojiyaan.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay dagaalka dib uga soo cusboonaaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay dagaalka macno darrada ah ee ka soconaya Kismaayo.

Injineer Yariisow ayaa xusay in madaxweynaha Soomaaliya uu dhinacyada dagaallamaya ugu baaqayo in ay wax walba wada-hadal ku dhammeeyaan oo ay joojiyaan dhiigga daadanaya.

Madaxweyne Xasan ayaa u jeediyay ciidanka AMISOM ee ku suga Kismaayo inay dhexdhexaad ka noqdaan arrinta Kismaayo.

Hadalka afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo maalintii labaad dagaal kharaar uu ka socdo magaalada Kismaayo, kaas oo ay isaga soo hor jeedaan rag sheegtay inay madaxweynayaal yihiin.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images