Awdalpress(Burco) 29 Jun, 13–Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Togdheer Il-kacase ayaa xalay masaajid ku yaala magaaladda burco oo uu ka qudbadaynayay sheikh ka tirsan Kooxda Ictisaam waxa uu ku amray in ay saaka hor yimaadaan saldhiga Booliiska ee Burco.
Taliye Ilkacase, ayaa masaajidka gaadhay kadib markii ay kooxdaasi jabisay amar uu shalay Maayarka Burco ku soo rogay, kaasoo ahaa in aanay qudbad danbe ka jeedin.
Talaabadan Maamulka Gobolka Togdheer fulinayaan ayaa ka dhalatay khilaaf labada kooxood ee Ictisaam iyo Salafiyiinta ka dhex taagan, kuwaasoo qudbado iska soo horjeeda u adeegsada Masaajida ay kala maamulaan.
Ilaa hada ma cada talaabada xigta ee ay Maamulka Gobolka Togdheer ka qaadi doonaan wadaadadanaa, hase yeeshee waxa la filayaa kulanka manta loo balansan yahay in lagaga wadahadli doono sidii ay u joojin lahaayeen khilaafkooda iyo qudbadaha ay wadaanba.
kooxaha Ictisaam iyo Salafiyiinta ayaaa muddo toddobaada ah masaajiadad ka akhriyay qudbado dadka reer Burco ay dhibsadeen, kuwaasoo gobolka ka abuuray hadal hayn badan oo ah khilaaf abuuri kara in kooxahaasi isku dahcaan haddii aan dhakhso wax looga qaban.
Waaheen






