Awdalpress(Muqdisho) 29 Jun, 13–Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii kooxda Al-Shabaab, ayaa caawa la geeyay magaalada Muqdisho.
Diyaarad gaar ah ayaa Xasan Daahir kasoo qaadday magaalada Cadaado, waxaana ku wehliyay safarkiisa wafdi isugu jira xildhibaanno iyo odayaal iyo maamulka Ximan iyo Xeeb.
Ciidamada Gaashaan ee sida gaar ah u tababaran ee ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda qaranka ayaa la sheegay in ay la wareegeen ammaanka Xasan Daahir oo wada-hadallo kaddib oggolaaday in uu dowladda isu soo dhiibo.
waxaan weli la saadaallin karin tallaabadda xigta ee ay dowladdu ka qaadi doono Xasan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hoggaamiyaasha maleeshiyada Al-shabaab oo sheegtay mas’uulliyada geeriyada shacab badan oo Soomaaliyeed.





