Awdalpress(Muqdisho) 30 Jun, 13–Faah Faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo uu hogaaminayey Horjooge Xasan Daahir Aweys oo iyagu iskusoo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Horjoogayaal tiradoodu gaareyso 14 horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa wehliya Horjooge Xasan Daahir Aweys ayadoo dhammaanna horjoogayaashaasi ay si rasmi ah isugu soo dhiibeen Dowladda Federaalka Soomaaliya islamrkaana caawa ay ku hooyanayaan magaalada Muqdisho.
Diyaaradda gaarka ah ee Horjooge Xasan Daahir Aweys iyo Horjoogayaasha la socda kasoo qaaday degmada Cadaado waxaa la socday Madaxweynaha iyo Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, 20 askari oo ka tirsan Ciidammada maamulka Ximan iyo Xeeb, Xildhibaanno,saraakiil Ciidan oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya,siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo maalmahan qeyb ka ahaa wadahadalladii ka socday degmada Cadaado.
Sidoo kale diyaaradda ayaa waxaa degmada Cadaado kasoo kaxeeyey taliyaha howlgelinta Ciidammada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Gaashaanle Dhexe Cabdi Dheere oo ay la socdeen Ciidammo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.
Horjoogeyaasha la socda Horjooge Xasan Daahir Aweys oo iyagu Dowladda isku soo dhiibay waxaa ka mid ah Madaxii Maalliyadda Xisbul Islaam,Afhayeenkii Xisbul Islaam Maxamed Macalin,Horjoogayaal u badan Horjoogayaasha hogaaminayey Maleeshiyaadka xiliga dagaallada iyo afhayeenkii dhanka howlgallada kooxdii Xisbul Islaam Maxamed Aadan Caruus.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaa uga hortagay Horjooge Xaan Daahir Aweys iyo horjoogayaasha kale ee la socday uga hortagay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed General Bashiir Goobe,xildhibaanno,siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo.
Horjooge Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Horjoogayaasha kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab iyo horjoogayaasha la socda waxaa si rasmi ah ula wareegay Ciidammada Sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo ka mid ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya waxaana uu noqonayaa Horjoogihii ugu weeynaa ee Dowladda Federaalka iskusoo dhiiba.
Radiyaha Muqdisho





