Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Gudoonka Baarlamaanka oo ka hadlay mooshinka loo soo gudbiyay ee Xasan Sheikh ka dhanka ah

$
0
0

imageAwdalpress(Muqdish) 14, Aug. 2015–Guddoonka golaha baarlamanka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen goordhow kaga hadlay mooshinkii ay laba maalmood ka hor xildhibaanno ka tirsan baarlamanka ay ka gudbiyeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warsaxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in guddoonka uu ka guddoomay mooshinka xildhibaano gaaraya 93 xildhibaan, 12-kii bishan August, islmarkaana uu guddoonka mooshinka ku maareyn doono si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Waxa kale oo guddoonka uu sheegay inuu kalsooni ku qabo in hay’adaha dastuuriga ah ee Soomaaliya ay lee yihiin biseyl iyo karti ay ku xalistaan arrimahooda, maadaama ay horey usoo mareen arrimahan oo kale.

Guddoonka ayaa ballan qaaday inay howshooda u gudan doonaan si firfircoon, islamarkaana aysan saameyn ku yeelan doonin mooshinka. Waxaa ugu dambeyn guddoonka uu hay’adaha dowladda, maamulada dalka iyo bulshada rayidka ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed.

voa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles