Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Warbixin ku saabsan booqashadii Mahamoud Omer Sh. Ibrahim, Hayad C/salaan iyo Farxaan Xiddig ay dhawaan ugu tegney Qamar-Harawa oo ku jirta xabsi ku laalla Istanbul

$
0
0

“Waxaad Aadamow Maagantahay Adiga iyo Maankaagu

iyo Halka eebahay ku marin kala mid weeyaane”

Qamar 

Waxan qeybtii knowaad ee bilowgii sannadkani aan warbaahinta u soo gudbiyey warbixin kooban oo aan ka hadleysa xidhitaankii Qamar Harawo ee Turkiga iyo wixii ay kala kulantey safarkii Hayad C/sallam ugu tegtey Qamar oo aheyd mid akhriskeedu aad u xanuun badnaa gaar ahaan  u taabtey qaraabddii iyo asxaabtii Qamar oo qaarkood ila soo xidheedheen

Warbixintaas  hore waxaan ku sheegney

  • In Qamar ay hadiyad ugu qaaday Jaad dad asxaabteeda ah oo turkiga jooga
  • Mana aheyn arrinka loo xidhaney wax kale waayo aniga cid iga xogogaalsani ma jirto
  • In lagu xukumay 8 sanno oo xadhig ah iyo dhawr billood
  • Appeal wey ka qaadatey laakiin wax ka duwan go’aankaas hore ilaa hadda kama soo bixin

Wxaan dhawaan booqday Qamar Cabdillahi Harawo,  aniga iyo Fannaanka Farxaan xidig iyo Marwo Hayaad Casallam waxaan safarkeyga qorshihiisa bilowney bilowgii sannadkani

Ilaa markii qadarku ku dhacay Qamar ee la xidhay ilaa manta  waxaan arrimaheeda uga wakiil ahaa inaan u fududeyo qofkii raba inuu booqdo ilaa maanta oo ay k asoo wareegtey ku dhawaad3 sanno ilaa 5 qof baa ku soo booqday Qamar Xabsiga . Hawsha ogolaansho raadintu ma dhib yara, waxaa loo maraa jidkani aan hoos ku sharxay

  • Marka ugu horesa waxaan laga doonayaa  qofkii raba inuu soo booqdo qamar inuu I soo diro:
  • Magaciisa , maalintuu dhashay, meesha uu ku dhashay, magaca hooyadiis iyo ka aabihiisba . Waxa loo rabo magaca hooyo iyo ka aabbo ilaa manta ma aanan fahmin
  • Markaan macluumaadkaa kor ku qoran aan helo waxaan u gudbiyaa xarunta qunsuliyadda UK ee Istanbul , ka dibna waxay u sii  gudbiyaan xafiiska xeer ilaalinta ( public persecutor office) oo iyagu awood u leh Iney qofka ogolaanshaha ama siiyaan ama u diidaan. Waxaa loo ogolyahay kaliya iney booqdaan Qoyskeeda odeygeeda ama caruurteeda Hooyo, aabbo

 

Dhawr bilood ka hor baan bilowney inaan qamar booqano laakiin ilaahay wuxuu noo suuragliyey  bishani ogoosto 11keeda inaan aniga iyo Farxaan gaadhno Istanbul hayadna Isla maalintii galinkii dembe ayey soo gaadhay

 

Malintii Arbacadda ee bishani aheyd 12ka Bishani ogoosto ayaan ilaahay noo suuragaliyey

Inaan Ku booqano Qamar xabsiga ay ku jirto ee ku yaal Istanbul . Waxaa ay nagu qaadatey 2 saac oo  inaan ka gudubno dhawr albaab oo yaalaan qalab kala duwan oo lagu baadho dadka booqanaya maxaabiista . Waxaa naloo geeyey Qamar oo muraayad noo dhaxeyso anagoo runtii fileyney in qol aan ku booqano

Markii ay Qamar indhaha ku dhufatey Hayaad iyo Farxaan bey farxadii iyo naxdintii mar kaliya albaabkii laga soo galiyey dib ugu oroday. Hayaad iyo Farxaan oo iyaguna sidoo kale aragii Qamar ku farxay kana naxay goobta ay Qamar joogto ayaa oohin mar kaliya la kala jeestey . Anigoo ka cag dambeeyey ayaa Hayaad oo oohintii is celin weydey igaga hor timid albaabkii waxaan isku dayey bal inaan u calool adkeeyo oo horaan u sii gudbay oo abaaray halkii Qamar joogtey, si degan baan u salaaney iyaduna isku daydey iney calool adeygto oo salaantii iga qaadey.

Dhinac waa alxamdullaahi  qamar oo caafimaad qabta , muuqaalkeedu ka fiican yahay sidii aan filayey, maskaxdeedu iyo garashadeedu kaamil tahay dhibaca waxaan isku celinyaa ilmo aanan dooneyn iney arkaan Qamar farxaan iyo hayadba waayo halka aybku jirto qamar , dadka aan haba yaratee naxariis  laheyn ey la nooshahay een u diir iyo diin naxeyn, halka ay ku jirtey maalintii  dunida ka tegtey hooyadeed oo  ay ifka u jecleyd intaas ayaa nar kaliya i  soo wadda hor maray sida hilaaca.

Waxaan la joogney muddo saacad ah oo aan kaga boganey guud ahaan xaalkeeda iyaduna nagaga qaadatey wixii war ah ee dhaafey muddadii ay halkani ku xidhneyd sida dadkii ay taqaaney ee geeriyooday iyo asxaab kale oo ay na weydiisay. Waxaan kala sheekeysanay wixii aan ka qaban karo arrimaha la xidhiidha xadhigeeda inta si sharci loo iibsan karo, muddada la soo deyn doono iyo arrimo kale oo la xidhiidha ninka lawyerka ah

 

Waxaan mar kale naloo ogolaaday inaan booqano Jimcihii bishu aheyd 14ka August 2015, waxaan u tegney Qamar oo aad u faraxsan, oo xitaa kaftameysa waxay noo sheegtey iney dhibtii xabsiga uga soo gudubtey Cibaadadda ilaahay oo ay habeen iyo maalinba ku mashquulsantahay, iyo iney bilowdey iney quraanka barto qaar ka mid ah maxaabiista dumarka ee la xidhan oo magaca muslim wata laakiin oo dhamaan ay ka maqantahay cilmigii iyo camalkii lagu yaqaaney diinta islaamka

Ugu dembeyntii waxay Qamar noo sheegtey in adduunka  ay hooyadeed ugu jecleyd  ilaahay jannadii haka waraabshee mar hadday hoyateyna ay rabto in iyadoo caafimaad qabta ay dul tegto xabaashii hooyadeed lagu aasneyd una duceyso. Mar aan Qamar si kaftan ah u weydiiyey  iney wax suugaan ah sameysey oo ku saabsan xabsiga iyo dhibtiisa waxay iigu jawaabtey Maxamuud Huuno tusbaxaas ayaan ka qaatey, waanan. Waxaa kale oo murugo ahyed markaan weydiiyey iney noolyihiindad ehel iyo qaraabo dhaw ahi ee ay iigu jawaabtey  “walaal malihi , hooyo ma lihi, aabo ma lihi, caruur ma lihi adinkaa walaal ii ah” hadalkaas oo aad noo taabtey dhamaantayo keeneyna in aan ilmo indhahayga ku soo joogsato

Ugu dembeyntii waxaa intii arrinka Qamar  ku jirey aad iiga yaabshey

  • In haba yaraatee qof ka wakiil ah dadka iyo dawladda Soomaliyeed/ Somaliland aanu 1 maalin dul tegin ama kala xidhiidhin dawladda turkigga. Halka british Consularku uu u tegey kana war hayey xaalkeeda ilana soo socodsiinayeen mar waliba
  • In asxaabtii Qamar ee waaberi isla ahaayeen aanu midna odhan waar dhib kastaa ha I gaadhee anaa soo booqan. Dhawr qof oo artist wey I soo weceen oo igu yidhaahdeen waxaan rabnaa inaan Qamar booqano laakiin ma aheyn mid dhaba waayo markii aan weydiiyey iney ii soo diraan waxyaabaha loo baahanyahay war dembe kama maqlin.
  • Dadka Soomaaliyeed  ee wadamadda dibedda ku dhibaateysani ilaahay bey eeyihiin  laakiin dadka ay dawladda Somaliyeed u soo diraan safaaraduhu waa dad sida badan aan aqoon iyo khibrad laheyn mararka qaarkoodna lagu keeno reer hebel waayo safaaradda Somaliya ee turkigu maalin  ma dul tegin Qamar iyo dadka kale ee ku dhibaateysan dalka Turkiga .
  • Ilaa Dawladda Soomaliyeed madaxdoodu gartaan iney  shaqada ugu weyn ee dadkooda u hayaan tahay caawinta iyo taakuleynta dadka Soomaliyeed ee dalka iyo dibediisaba jooga , casharkii shallay waxba kama ayeynaan korodhsan

 

Safarkaas aan ku booqday Qamar yididdilo weyn buu I galiyey iney inshallah soo bixi doonto iyadda oo caafimaad qabta, oo  niyad wanaagsan. Qamar waa qof ilaahay u dhiliyey adkeysi, deeqsinimo, iyo  dad jecey waana sobobta uu jeelkaas adagi waxba uga qaadi waayey ee ay iyadu ka adkaatey. Muddadagaaban ee u hadhay waxay noo sheegtey ineysan waxba aheyn

 

Waxaan jeclaa inaan ka sii hadlo fikrada aan  ka soo qaatey turkiga laakiin waxaan rabaa inaan intaas ku soo koobo, u soo duceeya walaasheen Qamar in ilaahay nabad qab kaga soo saaro xabsiga

 

Wabillaahi Towfiiq

Dr. Mohamoud Omer Sh Ibrahim

August 2015

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images