Dhammaadkii usbuucan ayey ahayd markii ay xildhibaannada golaha shacabka ugu jira gobollada galbeedku ay ka biyo diideen wax ka beddelista saami qaybsiga golaha shacabka. Kadibna mar kaliya lagu baraarugay in ay xidhibaannada beesha dhexe meel marsadeen mooshin lagu diidayo arrintaasi.
Kadib waxa xildhibaannada reer Awdal iyo kuwo kaleba hor timid waaqaca ay dhex fadhiyaan. Xaqiiqadaasi oo ah in aanay wax talo ah ama culays ah ku lahayn golayaasha Somaliland, laakiin horena loo ogaa immigana aad u sii xoogaysatay,
Waxa cid walba u cad in reer Awdal ay leeyihiin dhul qani ah oo aad uga badan, in ay cashuuur bixiyayaal yihiih, in leeyihiin baaxad leh oo ka tashan kara masiirkooda siyaasadeed. Balse uu dulqaadku ka batay iyaga oo mar walba isku dayaya sidii looga gudbi lahaa marxaladihii ay weliba iyagu ka soo taliyeen kuwii ugu xumaa. Laakiin waxa nasiib darro iyo carqadal ku noqday siyaasiyiintoodii, oo iska noqdeen kuwo daba socod ah amma kalidood noolayaal ah. Odayadiina ay aakhirkii la mid noqdeen. Hase yeeshee, waxa dhiiggoodu boqol marayaa oo nool dhallinta iyo guud ahaanba shacab weynaha oo laga cabsi qabo in maalinta Jimcaha ee innagu soo beegan ay billaabaan bannaan bax silmi ah oo ay faraagarayaasha isugu soo baxaan. Si ay u baddalaan mooshinkan ugu danbeeyey. Una garab is taagaan xildhibaannada ay doorteen,
Sidaasina waa mid waafaqsan dadnimada, dimuqraaddiyadda iyo rabitaanka shacabka. Waxana mid lala yaabo ah in ummad dhan oo jirta oo isbeddel samayn kartaa ay iska eegtaan dullinimo iyo dhulka la jiid jiido. Laakiin waxa aan oggolaanayn wakhtiga iyo jiilka soo koraya ee waalidkood u hor boodayaan dullinimada iyo gunnimada.
Maxaa dhici kara haddii bannaan baxaa silmiga ahi, ka dhaco Borama iyo tuulooyinka Awdal?
- Xukuumaddu waxa ay isku dayi doontaa in ay cabudhiso rabitaanka shacabka . Ciidammaduna dhib ku keenaan shacabka. Laakiin hay’adaha xuquqdal aadamiga, beesha caalamka iyo dawladaha jaarku sidaasi ma oggola, waana la inna soo dhex geli doonaa. Sida dawladaha waaweynba loo soo fara geliyo.
- Shacabka waxa la isku dayi in la kala jabiyo, oo odayaal loo adeegsado, qabyaalad loo adeegsado, taasina waxa ay wiiqi doontaa midnimada iyo rabitaanka runta ah ee shacabka.
- Haddii ay shacabka oo da’yartu u horreysaa ay isku soo baxaa babaca u dhigaan, waxa xukuumadda Ahmed Siilaanyo isku dayi doontaa, in wafdiyo loo soo diro, la dajiyo, loo ballan qaado in wax la beddeli doono. Laakiin taasi hore ayaa looga arkay, oo la rumaysan maayo.
- Ugu danbayn haddii bannaan baxaasi kala joogsan waayo, waxa soo xadhko goosan amhinka waaweyn ee u dhashay gobolladaasi, waxana la geli talo ummadeed oo weliba lagula xidhiidho caalamka. Taasina xal waara ayey keeni.
Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in maanta ummad wal oo magac iyo dhul wadaagtaa ay u tafa xaydatay masiirkooda, taladooda iyo horumarka dalkooda. Cid kalena aanay u keenayn talada ay doonayaan.
Awdalpress.com




