Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Tababarayaal ka tirsan ciidamada Midowga Afrika AMISOM oo ku dhaawacmay weerarkii Kismaayo

$
0
0

downloadAwdalpress – Muqdisho – Taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan ciidamadooda ay ku dhaawacmeen weerarkiii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay magaalada Kismaayo.

 

Weerarkan oo loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu qarxiyey xarunta Jaamacada Kismaayo oo ay tababar ku qaadanayeen boqolaal ka tirsan ciidamada milateriga Somalia.

War lagu qoray barta AMISOM ay ku leedahay Twitterka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan ay dhankooda kaga dhaawacmeen saddex ka mid ah saraakiisha AMISOM oo tababar siinayey ciidamada ku jiray Jaamacadda Kismaayo.

AMISOM ma faahfaahin heerka uu gaadhsiisan yahay dhaawaca saraakiishooda, kumana sheegin hadalka ay soo saareen dalalka ay u kala dhasheen.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images