Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

AMISOM oo faahfaahin ka bixisay weerarkii Al-shabaab ee Janaalle

$
0
0

2015711635722296807828953AMISOM_Merka_660

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Paul Njuguna ayaa beeniyay in askar nool oo ka tirsan ciidanka Uganda lagu qabtay weerarkii shalay lagu qaaday xero ciidan ay ku lahaayeen duleedka deegaanka Janaale.
Afhayeenka ayaa sheegay in aysan jirin khasaare weyn oo ka soo gaaray weerarkaas, isagoo xusay in ciidankooda aan laga saarin xerada sida uu yiri.
“Ma jirto ciidamo nolol lagu qabtay, ciidamada AMISOM way iska cabiyeen, si buuxda ayaana gacanta ugu heynaa xerada”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM oo u la hadlayay VOA.

Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkii shalay ku dileen in ka badan 50-askari, ayna gacanta ku dhigeen saanado milateri iyo shidaal, waxaana weerarkaas ay sheegeen inay ugu aar-gudayeen shacabkii AMISOM ku xasuuqday degmada Marka.

Goob joogayaal ku sugan Janaale ayaa sheegay inay arkeen meydad badan oo AMISOM ah, oo dhulka yaalla, waxaana mar dambe deegaanka soo gaaray ciidamo fara badan oo lugeynaya.

Al-Shabaab ayaa jartay buundadii dhinaca koofur ee deegaanka, sidoo kale waxay gooyeen buundada Qoryooley, si aanay ciidamada isugu gurman.
Awdalpress.com
Rag Is Baray


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images