Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ceebta taalla villa soomaaliya iyo dareenka bulshada soomaaliyeed

$
0
0

Horaantii bishii Agoosto ayay ahayd markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ay Mooshin xil ka qaadis ah ka gudbiyeen Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay ayaa Mooshinkooda saldhig uga dhigay in Madaxeyne Xassan Sheekh uu ka leexday shuruucda dalka,uu sameeyay Musuqmaasuq iyo ku tagri fal awoodeed,isla markaana uu ku tuntay nidaamkii iyo shuruucdii u daganaa Dawladda.
Waqtiga ay Xidlhibaanadu gudbiyeen Mooshinka ayaa taariikhdu ay ahayd 12/8/2015,waxaana laga joogaa muddo dhan 22 maalmood,dabcan waa bil ku dhowaad.
Laba maalmood ka dib 14/8/2015 ayaa Guddoonka Baarlamanku ay soo saareen Warsaxaafadeed ka kooban afar qodob oo ay ugu muhiimsan tahay;
-In Mooshinka ay ka qabteen Xidlhibaanada,uuna buuxiyay Kooramkii loo baahnaa,isal markaana la waafajin doono sharciga.
amin-3
Dabadeed Maxaa dhacay?
Muddo dhan 22 maalmood ayaa Muqdisho uu ka socday loolan Siyaasadeed oo iska soo horjeeda,waxaana markasta soo baxayay qorshayaal lagu doonayay in lagu burburiyo Mooshinka.
1-dii bisha Septembar ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ay sheegen inay Guddoonka Baarlamanka ay u gudbiyeen Mooshin ay ku Laalayaan Mooshinka ka dhan ah Madaxweyne Xassan Sheekh,arrintan oo qayb ka ah loolanka iska soo horjeeda ee Muqdisho ka socda.
Inkasta oo marba marka ka dambaysa ay soo baxayaan warar iska soo horjeeda,uuna socdo dadaal ay dhinacyada Mooshinka wada iyo kuwa difaacaya ay wadaan,hadana go’aanka ugu dambeeya ee Wadada la marinayo Mooshinka ayaa waxaa iska leh Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya.
amin-1
Safarka Xassan Sheekh
Warsidaha Awdalpress.com ayaa ogaaday in Madaxweyne Xassan Sheekh markii uu kaso laabtay dalka Imaaraatka Carabta ka hor inta uusan aadin dalka Talyaaniga uu la kulmay Guddoonka Baarlamanka,kuwaas oo u sheegay waarar aan farxad galin oo ku saabsan in Mooshinka uu meel adag marayo.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa u dhoofay dalka Talyaaniga,waxaana Safarkiisa ujeedooyinka uu xambaarsan yahay ka mid ah;in indhaha iyo dhagaha beesha Caalamka iyo Ummadda Soomaaliyeed loo dhigo indho sarcaad ah in Muqdisho aysan ka socon Mooshin ka dhan ah oo meel aad u adag maraya,lana muujiyo in Madaxweynuhu uu si caadi ah u wato shaqadiisa.
Safarkan Xassan Sheekh ayaa waxaa la mid ah aragtidii hore ee fashilantay ee ahayd in Madaxweynuhu uu Khudbad u jeediyo Golaha Baarlamanka Soomaaliya,xilli uu Baarlamanka ka horyaalo Mooshin,waxaa markasta Villa Soomaaliya ay keenaysay qorshayaal ay ku doonayso inay ku muujiso in Mooshinku uusan marayn meel adag.
Marka aad taariikhda dib u raacdo Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya waxay horkeenen Xildhibaanada Mooshinadii lagu riday Xukuumadihii hore ee Cabdiweli iyo Saacid ay hogaaminayeen,walibana waxaa Saacid loo diiday inuu iska hor difaaco Baarlamanka oo uu Khudbad u jeediyo.
Hadal haynta bulshada Soomaaliyeed ayaa ah sababta Guddoonka Baarlamanka uu uga dhabayn waayay balanqaadkiisii ahaa inuu Mooshinka Sharciga waafajinayo.
Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya Jawaari ayaa Xildhibaanada keenay Mooshinka ay ku eedeeyen inuusan si caadalad ah ugu shaqaynayn Ummadda Soomaaliyeed,uuna ku xadgudbay Dastuurka dalka.
Ummadda Soomaaliyeed ayaa si dhow ula socota natiijada kaso baxaysa Mooshinka ay gacanta ku hayaan Guddoonka Baarlamanka ee aan wali la horkeenin Xildhibaanada.
Si kastaba ha ahate,Jawaari ayaan laga filayn inuu ku shaqeeyo Nidaamka iyo shuruucda u yaala dalka.
amin-2
Awdalpress.com
Rag Is Baray


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images