Reer Awdal ha eersadeen siyaasigooda iyo odayadooda. Laakiin yaanay cid kale ka caban. Sii akhri siyaasiga reer Awdal ee laguu xulay iyo kaalinta uu u matalo.
Awdalpress – Borama – Socdaalkii aan ku joogay Borama amma inta ku dhaw dhaw ayaa weli ii socda, waxana aan sheedaalinayaa waxyaalka loogu hadal haynta badan yahay iyo sheekooyinka dhulka jira. qormooyin hore waxa aan kaga soo hadallay muuqaallo ka tarjumaya sida aan u arko amma qurba joogga ila midka ahi ay kala kulmeen socdaalka aan dalkayga ku soo gaadhay. Maanta waxa aan idiin soo gudbin doonaa xogta aan shacabka ka helay ee ku wajahan dadka reer Awdal u matala Siyaasadda Somaliland ee aan u arko meesha ay ka dhutiyeyso karaamada iyo dadnimada dadka reer Awdal.
Inkasta oo aanan weli la kulmin shakhsi ka mid ah ash-khaasta wasiirrada amma siyaasiyiinta ka ah dawladda Madaxweyne Ahmed Siilaanayo ee xilligan, haddana ma moogi xaqiiqda jirta. Waxanan dareemay ammaba jira in ay reer Awdal ka arradan yihiin siyaasiyiin shacabka u hadla amma kalsooni weyn isku qaba.
Markii aan imid dalka waxa aan isku itaalay in aan la xidhiidho wasiirro iyo xildhibaannada ka soo jeeda reer Awdal, ee ka tirsan xukuumadda Hargeysa, hadday yihiin kuwii hore iyo kuwa cusubba. Inkasta oo dadkii i siiyey Telefoonnada wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ay markii horeba iiga sii digeen karti darridooda, oo ii sheegeen in aanay macno badan lahayn, war fiicanna igu soo kordhinayn. Haddana waan la xidhiidhay, laakiin sidii la ii sheegay waxa aan kala kulmay amma ka dareemay cabsi iyo dhuumasho aanu doonayn in uu qofna ii warramo amma i soo dhaweeyo. Qurba joog kale oo badanina arrintaa way ii taabteen.
Sida la ii sheegay amma la ogyahayba waxa ay siyaasiyiinta Awdal matashaa ay badankoodu ka madhan yihiin aqoonta sare ee Jaamacadeed, aqoonta luqadaha iyo waaya aragnimada xafiisyada loo igmaday. Waxana ku badan habrashada mansabyada ku culus ee ay hayaan iyo ducfiga aqooneed ee ay la dhuumanayaan. Mansabyadaasi oo haddana ah kuwa ugu liita, laakiin waxa xaqiiq ah in aanay xataa kuwaa ka soo bixi karin.
Mas’uuliyiintan ayaa intooda badani mansabka ku yimiddeen siyaal kala geddisan. Waxana shacabku aad u hadal hayaan kuwa ugu dambeeyey ee ku yimid aflagaadada iyo mucaaridadda afka baarkiisa ah. Qabiilka aanay culayskooda lahayn, ayaa ka mid ah siyaasadaha ay mansabka ku heleen amma ku soo awro kacsadeen.
Hab-dhaqanka siyaasiyiinta reer Awdal ay golayaasha kaga dhex muuqdaanna waa ka ugu liita mas’uuliyiinta, marka loo eego mas’uuliyiinta gobollada kale ka matala Somaliland. Ducfigaa iyo fulaynimada ay golayaasha la dhex fadhiyaanna waa ta sawirka xun ka bixisay reer Awdal. Ee aanay run ahaan ahayn. Ee ay Somaliland kaga faquuqan yihiin, ee ay dhibta badani ka iman doonto. Ee mucaaridka gobolku ugu sii badanayo.
Siyaasi aan awood u lahayn in uu dadkiisa kalsoonidiisa hanto ( gudo iyo dibadba ), siyaasiga codkiisu hooseeyo, ee habrashada badani waa ka reer Awdal. Waxana ay golayaasha iyo xafiisyada u dhex fadhiyaan shaqo shakhsi kaliya.
Intii aan joogay Borama waxan la kulmay mas’uul ka tirsanaa golaha wasiirrada Ahmed Siilaanyo, oo ii caddeeyey in ducfi badani hadheeyey siyaasiyiinta reer Awdal ee golayaasha Somaliland shakhsi hadli karaana aanu ku dhex jirin. Markii aan sababta weydiiyeyna waxa uu ii rumeeyey fikirka ay ummaddu qabto ee ah aqoontooda iyo kartidooda oo aadka u liidata. Waxa kale oo uu ii xaqiijiyey in aanay dawladda Ahmed Siilaanyo weli kala baran dadka reer Awdal ee mudan in ay wax ku soo kordhiyaan Somaliland iyo shacabkooda. In aanay kala garan dadka beenta u sheegaya iyo kuwa mudan ay dalkooda iyo dadkooda u adeegaan.
Somaliland waxa ka jira maamul dawladeed oo u baahan kaadar aqoon iyo karti leh ( mucaaridka faraha badan ee reer Awdal haba igu diideen). Sida madaxweyne Ahmed Siilaanyo lagu sheegayna waxa uu weli ku guulaysan la’yahay dadkii kartidaa lahaa amma sixi lahaa waxa ka qaldan maamulkiisa ee dhinaca Awdal. Inkasta oo uu isku shaandhayntii ugu dambeysey uu ku soo daray mas’uul aqoon sare iyo waaya aragnimo caalami ah leh ( waana mas’uulka uu u magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda), haddana dhinaca Awdal waxa uu gacan togleeyey dad aan heerkoodu uu aad u hooseeyo. Hadda reer Awdal lagama waayin aqoon yahanno aqoon iyo karati leh, maalin walbana waxa aan wada fadhiisannaa Rays Hotel, waana dad sharaf iyo karati leh. Inkasta oo aanan garanayn in aanay iyagu diyaar u ahayn….
Ninka ( Wasiir Biixi ) noocaasi ahi ma waxa uu maanta garab fadhiisan doonaa muqayiliin mansabka ku yimid dacaayado ay saxaafadda mariyeen. Markase golaha wasiirradu ay shirayaan siday iskula saan qaadi doonaan aqoonyahankaasi iyo kuwa ay safka kuwada jiraani. Taasi waa kaaf iyo kala dheeri iyo dheelli-tir la’aan ka muuqda golaha wasiirrada ee xukuumadda Ahmed Siilaanyo.
Ma sidaan moodayey mise sida aan dalka ugu imid, runtii waa kala haab.
Maqaalka dambe iyo karaamada aan ku arkay Killika 5aad amma Ismaamulka Somalida Itoobiya.
La soco qoraallada dambe oo xaqiiqda ka turjumaya.
Ahmedweli Goth