Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Lacag helista Galmudug iyo dareenka shacabka puntland

$
0
0

wasi
Cadaado (Awdalpress.com)—Shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Maamulka Galmudug ayaa looga hadlay Qoondeynta Miisaaniyadda Maamul-gobolkeedkaas, iyagoo ugu dambeynna Ansixiyay Miisaaniyadda uu lixda bil ee soo socota uu ku shaqeyn doono Maamulka Galmudug.
Wasiirka Maaliyadda Maamulka Galmudug, Cali saciid Cumar ayaa soo bandhigay shaxda Miisaaniyada Lixda Bil ee soo socota, Taasoo Cadadkeedu yahay 4,600,0000 [Afar Milyan iyo Lix Boqol oo Kun] oo Doollarka Mareykanka ah.
Sidoo kale, Wasiirka Maaliyada Galmudug ayaa sheegay in Miisaaniyaddan lagu saleeyay habraacyo lagu soo bandhigay Qoondeynta Miisaaniyada wasaaradaha oo ay ka mid yihiin; Mushaaraadka shaqalaha rayidka, midka ciidanka iyo sidoo kale Qarashaadka dheeriga ah ee Safarrada iyo isticmaalka xafiisyada Wasaaradaha.
Golaha Wasiirrada Maamulka Galmudug oo eegaya Muhiimada ay leedahay Fududeynta Qabashe-hawleedka u yaalla Maamuka ayaa soo dhaweeyay Qaabka uu u soo diyaariyay miisaaniyadda wasiirka Maaliyadda Galmudug, Cali saciid Cumar.
Ugu dambeyn, Shirka Golaha Wasirrada oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Galmudug, C/qaadir Sheekh Cali ayaa Waxaa Goob-joog ahaa 34 Wasiir, kuwasoo si wadajir ah u ansxiiyay Miisaaniyadda.
Awdalpress.com
Rag Is Baray


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images