Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaal dib uga bilowday Caabudwaaq

$
0
0

Ugu yaraan Afar Ruux oo ka mid ah dhinacyo ku dagaalamay maanta degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud ayaa ku geeriyooday, iyadoo ay ku dhaawacmeen dagaalka toban ruux oo kale.

Dagaalkan ayaa u dhexeeyay ciidammo ka kala tirsan Ahlusunna iyo Galmudug oo isku haya gacan ku haynta degmadaas, iyadoo Dhinacyadan uu dhinac Walba ku eedeynayso kooxda kale inay iyadu weerarka kusoo qaaday.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa warbaahinta u sheegay in shacabkii degmadaas ku noolaa ay intooda badan ka barakaceen, iyadoo haatan ay xabbadu hakatay, balse ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan “Afar qof ayaa dhimatay inta aan arkay, waxaana dhaawacmay 10-qof oo kale, kuwaasoo u badan dhinacyadii hardamayay. Way jiraan in dadka qaarkood ii sheegeen in khasaaruhu intaas ka badan karo,”
Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in xaaladda Caabud-waaq ay aad u kacsan tahay, ayna xoogag kala duwan soo galayaan degmada, inkastoo aanay weli ka hadlin dhinacyada dagaalamaya dagaalkan maanta dhexmaray.
dag
Dagaalkan ayaa daba-socday iska-horimaad shalay ka dhacay degmada Caabud-waaq oo shalay lagu weeraray Wasiirka Ganacsiga Galmudug, Cabdiladiif C/llaahi Warsame oo maalin ka hor tagay degmadaas, dagaalkaasoo ay ku dhinteen laba qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Awdalpress.com
Rag Is Baray


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images