Idaacada VOA-da ayaa shalay baahisay wareysiga qaar ka mid ah waalidiinta dhalinyaro kale oo saarnaa doon u socotay dalka Yemen oo badda ku xanniban, kuwaas oo walaac ka muujiyay in dhalinyaradaasi loo wado Daacish si ay ugu qayb qaataan falalka argagxiso ee kooxdaasi.
Maamulka Puntland oo arintaas ka Jawaabayey ayaa sheegay in Puntland aysan ka suurta galin in deegaanadeeda laga tahriibiyo dhallinyaradeeda ama dhallinyarada Soomaaliyeed loona gudbiyo si ay uga mid noqdaan kooxda Daacish.
Sidoo kale Puntland ayaa qirtay inuu jiray tuhun ku saabsan in dad la doonayey in laga tahriibiyo xeebaha Puntland, balse aanay taas wax xiriir ah la lahayn Daacish oo Tahriib caadi ah uu ahaa, islamarkaana ay ciidamada amniga ka hortageen.
6bff7f3f-5a81-4197-9753-dc3974183cd4
Awdalpress.com
Rag Is Baray
↧
Waraysi: maamulka P/land oo beeniyey War ay shalay baahisay Idaacadda VOA
↧