Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Siyaasiyiin iyo isimo soo dhoweeyay go’aankii PL ee hakinta doorashooyinka

$
0
0

Awdalpress – Garawe – Qaar ka mid ah xildhibaanada maamulka Puntland, odayaasha dhaqanka, isimada iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa soo dhoweeyay tallaabadii uu madaxweyne Faroole dib ugu dhigay qabsoomidda doorashooyinka goloyaasha deegaanka.

Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee Puntland ayaa tallaabo qaalli ah ku tilmaamay go’aankii uu madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ku hakiyay qabsoomidda doorashooyinka.

Xildhibaanka oo la hadlay Bar-kulan ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay magaalada Qardho ee gobolka Bari, wuxuuna kuwa dhaawaca ah u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah isimada Puntland ayaa dhankiisa ammaanay go’aankii madaxweyne Faroole uu ku joojiyay doorashooyinka goloyaasha deegaanka, wuxuuna xusay in uu madaxweynaha ka hor-tagay daadashada dhiig hor leh.

Maalin ka hor ayay aheyd markii madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Faroole uu ku dhawaaqay in la hakiyay doorashooyinka goloyaasha deegaanka oo loo balansanaa in la qabto 15-ka July oo shalay ku beegneyd.

Bar kulan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles