Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ururka Taliban oo xabsi ku yaala Afghanistaan ka siidaysay 350 maxbuus Askaran ku dilay

$
0
0

ururka-taliban-300x169
Ghazni(Awdalpress.com):- Ururka Taliban ayaa waxa ay weerareen xabsi ku yaalla magaalada Ghazni ee bartamaha Afghanistan, iyagoo ugu yaraan dilay 4 boolis ah, xabsigana ka sii daayay 350 maxaabiis ah.
Kuxigeenka badhasaabka gobolka Ghazni ayaa BBC-da u sheegay in weerrarka uu dhacay saaka aroortii. Maxamed Cali Axmadi ayaa sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay aad u nidaamsanaayeen, islamarkaana xidhnaayeen dirayska milateriga.
Mid ka mid ah kooxda weerarka soo qaadday ayaa isku qarxiyay albaabka xabsiga, taasi oo kooxda inteeda kale u suuragalisay in ay xoog ku galaan xabsiga.
Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujaahid ayaa xaqiijiyay in kooxda ay weerarkaasi ka dambeysay. Taliban iyo kuxigeenka badhasaabkaba waxa ay xaqiijiyeen in saddex ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday la dilay. Badhasaab ku xigeenka ayaa sheegay in 7 askari oo boolis ah iyana ay dhaawacmeen
Awdalpress.com
Rag Is Baray


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles