Awdalpress(Jigjiga)-15, Sep. 2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo Madaxwayne ku-xigeenka ahna Wasiirka Waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan ayaa saaka hoolka shirarka ee Mac-hadka Maaraynta shir qiimayn ah ugu furay komishineerada gobolada, taliyeyaasha degmooyinka, taliyeyaasha maamul magaalooyinka, danbi ka hortaga degmooyinka iyo gobolada, danbi-baadhayaasha gobolada iyo degmooyinka ee booliska bulshada.
Qiimayntan ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada, Maamulada gobolada, komishinerada heer deegaan, janano iyo mas’uuliyiin kale.
Furitaankii shirkan ayuu madaxwaynuhu sheegay in diirada lagu saarayo qiimayntan qodobo ay kamid yihiin: saraynta sharciga, ladagaalanka kontarabaanka sharci darada ah, ilaalinta xuquuqaha aas-aasiga ah ee maxaabiista, ladagaalanka musuqa, kudhaqanka cadaalada, aragti xumada IWM. Isagoo madaxwaynuhu intaa raaciyay, in ujeedada qiimayntani tahay sixitaan dhaliilihii kayimid shaqooyinkii shacabka loo hayay sanadihii lasoo dhaafay.
Ugu danbayna, wuxuu madaxwaynuhu hadalkiisii kusoo xidhay in gabagabada qiimayntan ay noqon doonto mid lagu kalasaaro ciddii shaqo wanaag muujisay, cidda aan waajibaadkeedii shaqo kasoo bixin iyo waliba cidda yeelata xuquuqda doorataaga.
Cakaaranews
The post Madaxwaynaha DDSI Oo Furay Shirka Qiimaynta Booliska Bulshada ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya appeared first on Awdalpress.com.