Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Guddoomiye ku xigeenka Baydhabo oo la dhaawacay

$
0
0

newsAwdalpress(Baydhabo) 17 July 13–Guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo ee gobolka Baay Maxamed Macallin Dhala-dheere ayaa ku dhaawacmay asaga iyo mid ka mid ah ilaaladiisa kaddib markii ay is rasaaseyn ku dhex martay suuqii hore ee xoolaha ee degmadaas ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo Maxamed Macallin Dhela-dheere oo saddex xabadood ay ku dhaceen ayaa dhaawaciisu waxaa loo qaaday magaalada Muqdisho.

Is rasaaseynta ayaa ka dambeysay kaddib markii  guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo iyo ilaalo uu watay ay isku dayeen in ay ka raraan dad shacab ah oo deganaa suuqii hore ee Xoolaha ee magaalada Baydhabo taasoo ay ka soo horjeesteen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo fadhiisin ku leh halka uu ku yaallo suuqa.

Maamulka degmada Baydhabo iyo hay’ad waddani ah oo ka howlgasha magaalada ayaa waxay qorsheynayeen in dib loo dhiso suuqa xoolaha ee magaalada Baydhabo, waxayna ciidamada dowladda ay ka hor yimaadeen qandaraas ay wadatay hay’adda.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles