Awdalpress(Hargaysa) 17 July 13–Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar oo ka mid ahaa Culimadii Madaxweyne Siilaanyo Qasriga Madaxtooyadda Afurka ugu sameeyay toddobaadkan ayaa kala hadlay qoddobo Madaxtinimadiisa dhaawici kara haddii aanu wax ka qaban, kuwaas oo uu ku tilmaamay halis in ay ku yihiin Nolosha Bulshada iyo Jiritaankeeda
Sheekhal Baladka Borama Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar waxa uu hoga tusaaleeyay Madaxweyne Siilaanyo qoddobo uu u arko in ay yihiin kuwo loo baahan yahay in dhakhso wax looga qabto Isagoo qodob qodob uga hadlayana waxa uu yidhi “Dalkeena wax badan ayaa ka jira wixii Munkaraadka ahaa oo sharci ah, fusqigii oo siyaadaya oo aan waxba lala kala gabanaynin,taasi waxanu leenahay waa in dawladu taalabo ka qaadaa inaga oo iska kaashanayna, haddii ay noqoto wasaarada diinta iyo Awqaafta, wasaarada arimaha gudaha iyo booliska iyo Hay’adda Wanaag farista iyo xumo reebista.”
Isaga oo ka hadlaya Dhibaatooyinkii laga dhaxlay doorashadii Golayaasha deegaanka waxa uu intaas raaciyay “Dalkeena Saddex Shay ayaa Baabi’inaya Kow wax la yidhaahdo qabiil, Qaadka, ta sadexaad waa quudka wadankeena ka soo baxa oo aynaan cunin, marka waa in arrintaasi dawladu qorshe kayeelataa, laakiin adiga waa wax kaa horeeyey, ee kolba ka jooga ayey arrintan lagala hadlayaa, maanta waad arkaysaa heerka Qabiilku marayo, inta badana waxa keenaya waa doorashooyinka, doorashadu waa wax dastuuri ah oo sharci ah, laakiin qaab xun ayeynu barigii dhawayd u maamulnay, waliba barigii dhawayd waxa lagu tartamayey waxay ahayd Adhi, laakiin way danbeeyaan Maroodigii iyo Goolkii, waanad ogeydeen siddii adhigii faraha laysku goostay ee mid walba uu yidhi aabahay goblan, haddii siddii haloo maamulo la yidhaahdo waxa lagu tartamayaana ay tahay maroodi oo ah Baarlaamankii iyo madaxweynenimadii oo qaabkiina ha loo doorto la yidhaahdo waynu dumi, markaa waa in doorashadaasi qaab nadiif ah dalka looga qabto si qabiilka looga baxo, laakiin haddii la yidhaahdo doorashadu noocan uun ha ku socoto magacaynu maanta leenahay waa Somaliland, barri waxa uu ku danbeyn doonaa Beelo-land haddii aynu ka joogsan wayno sidda aynu u socono oo la yidhaahdo qaabkii barigii dhaweyd doorashadii hore ugalnay la yidhaahdo haloo galo, magaceena Somaliland halis ayuu ku jiraa oo waxa inagu shaabadeysimidoona magac la yidhaadho Beelo-land, arrimahaasi waa wax yaabaha dawladnimada baabi’inaya markaa waxaan leeyahay xukuumadu qorshe cad haka dajisato arrimahasi.”Ayuu yidhi.
Sheekh C/laahi waxa uu ka hadlay sida loogu baahan yahay in wax soo saarka Dalka Xukuumaddu wax ka qabato “ Madaxweyne waxa Culimadu tidhaahdaa Dhulka Afartan sano la beeran waayo ee Dadkiisu sarac kala soo bixi waayo wuu baaba’aa oo waa lagu gaajoodaa, dhulkeena gaar ahaana Goboladda Gabilay iyo Awdal waa dhul beereed illaahay Roob dhigay haddii Dooxa Arabsiyo laga bilaabo dhaam weyn laga xidho buuraha iskugu yimaada waxa lagu beeran lahaa beero badan, Boramana waa sidaas, markaa Madxweyne bulsho wax walba la soo degaysaa Bulsho noqon maysee qorshe wax soo saar waa in aad u samaysaan” ayuu kaga baxay.
Waaheen