Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxwayne ku xigeenka khaatumo oo sheegay in Howl-galkii Laascaanood ay Qayb ka ahaayeen iyo Tallaabada Xigta

$
0
0

IMG_5198
Maxaabiistii ugu badnayd ayaa saaka hiirtii hore ka baxsaday jeelka wayn ee magaalada Laascaanood, Tirada guud ee la sheegay ayaa ah 22 qof oo isugu jira 16 saaka baxsaday, iyo lix ruux oo xalay saqdii dhexe xabsiga laga saaray lixdaas ruux sadex ka mid ah waa maxaabiistii lagasoo qabtay bishii ramadaan deegaanka Guumays, waxaa weheliyay hal maxbuus oo kale iyo laba askari oo la sheegay inay ka tirsanaayeen ilaalada jeelka oo u fududeeyay maxaabiistu inay baxsadaan, Waxaana sidoo kale dhintay hal ruux oo la shaagey inuu ka tirsanaa maxaabiista maamulka hargeisa u xidhnaa.

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka khaatumo Cabdul Cagalule ayaa sheegay inay ku guuleysteen hawl­galo aan dhiig badani ku daadan ee jeelka laascaanood looga saaray tiro maxaabiis Si sharci darro ah ugu xidhnaa maamulka Hargeisa, wuxuuna hawl­galadan ku sheegay bilow fiican islamarkaana hawl­galo badan oo noocan ka fulin doonaan wuxuuna u mahad celiyay dhalinyaradii hawl­galkan fulisay iyo waliba saraakiisha La shaqeeyay maamulka Khaatumoee nashaqada lagu soo furdaaminayay dhigay.
Cabdul Cagalule Madaxwayne ku xigeenka Maamulka khaatumo ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Howl-galada xiga Lagu fulin doono Saraakiisha maamulka Hargeisa ee ku sugan deegaanada Khaatumo islamarkaana aysan noqon doonin wax qarsoo
Awdalpress.com
BY Muuye

The post Madaxwayne ku xigeenka khaatumo oo sheegay in Howl-galkii Laascaanood ay Qayb ka ahaayeen iyo Tallaabada Xigta appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles