Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Amiir ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga oo lagu xidhay dalka Maraykanka, Maxay sababatu tahay?

$
0
0

AmiirAwdalpress – Los Angels – Amiir ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu xidhay magaalada Los Angels ee dalka Maraykanka, waxaana amiirkan lagu soo eedeeyay in uu jidh dil iyo dhibaatooyin kale u geystay gabadh ay saaxiibbo ahaayeen.

Ciidammada booliiska magaalada Los Angels ayaa xabsiga dhigay Amiir Majiid Cabdul-casiis Al Sacud, oo ka mid ah Amirrada Qoyska Boqortooyada Sucuudiga, waxaana amiirkan laga soo xirdhy xaafadda ay ka deggan yihiin dadka lacagta leh ee Bevery Hills, ee ka tirsan Magaalada Los Angels.

Saraakiil ka tirsan Ciidammada booliiska ayaa sheegay in amiirka la xidhay kadib markii gabar ay saxiib ahaayeen uu dhibaato u geystay, waxaana la sheegay in gabadha ay saaxiibbada ahaayeen Amiirka gurigiisa ka soo baxstay iyada oo dhiigeysa kana muuqato dhibaato uu u geystay.

Haweeneyda ay saaxiibada ahaayeen Amiirka ayaa ku eedeesay in uu jidh dil iyo dhibaato kale u geystay kuna qasbay in ay xoog kula joogto, waxana ay sheegtay in si aan wanaagsaneyn uu kula dhaqmay saaxiibkeeda.

Amiir Majiid CabdulCasiis Al Sacud , ayaa markii dambe xabsiga laga sii daayay kadib markii uu bixiyay lacag gaadheysa 300.000 dollar, oo damiin ahaan loogu sii daayay, waxaana weli socda baadhitaano ku aadan dhacdadaasi.

 

Warka Amiirka ayaa lagu soo daabacay maqaallo iyo shabkadaha InterNetka iyada oo ay dad badani akhristeen.
Awdalpress

The post Amiir ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga oo lagu xidhay dalka Maraykanka, Maxay sababatu tahay? appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles