Axmed Faarax Caddarre oo ahaa xubnihii ugu firfircoonaa xisbiga Kulmiye ee UK ka hor 2010, ayaan markii Madaxweyne Siilaanyo xilka somaliland la wareegay wax xil aan loo magacaabin Axmed Faarax Cadarre oo loo yaqaan (Axmed cadare) taas oo ku kaliftay inuu cadhoodo una guuro magaalada madaxda soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo uu in badan ku maqnaa waxaanuu Hargeysa ku soo laabtay bilo ka hor kadib markii Siilaanyo u magacaabay Wasiir ku xigeenka dhinaca maamulka gobollada ee wasaaradda daakhiliga Somaliland sanadkan horaantiisii 2015.
Waxaana hubaal ah inuu ka masuul yahay Axmed Faarax Cadare xadhiga afarta fannaan ee ka soo laabtay muqdisho, waxaanuu yidhi markii fannaaniinta la xidhay ” Fannaaniintu way ku xadgudbeen shuruucda Somaliland , Hoobalada la xidhay waxay u fasax qaateen Nairobi, waxay ka been sheegeen arrintaasi, dabeed waxay tageen Somalia, markaa waxay ku xadgudbeen xeerkii u yaalay Somaliland, sababtaas awgeed ayaa loo xidhay,” ayuu yidhi Axmed Faarax Caddarre.
Dadka qaarna waxaabay kala garan la’yihiin wasiir ku xigeenkan xilka loo magacaabay oo ay dadka qaar ku qaldaan inuu yahay wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyadoo xilkiisu yahay Wasiir ku xigeenka dhinaca maamulka gobolada ee wasaaradda daakhiliga Somaliland.
The post Wasiirka Xidhay Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo la sheegay in uu ka soo laabtay Muqdisho 2014 appeared first on Awdalpress.com.