Nasiibkiisa ayaa ka dhigay Askari Soomaaliyeed, cid badbaadisa ma qabo, ee ilaahayow addaan ku weydiisanayaa ee badbaadi.
Ma maleynkartaa sida ladoonayo in loo dabar jaro ummadnimada iyo Qaranimada Soomaaliya. Eeg waa askari u dhaartay dalkiisa, si wanaagsan u eeg. waxaa uu xiranyahay oo garbahiisa ka muuqda darajo ciidan, iyo astaanta dalkiisa Soomaaliya! Waxaan isweydiiyay maxaa dhici lahaa hadduu xirnaan lahaa Camada Maamul goboleedyada Soomaaliya?
Qabiil ka xanuunsada oo ugu yaraan TV-yada ka qeyliya ayuu helilahaa, Madaxweyne, wasiiro iyo xildhibaano Tolkiisa ah ayuu heli lahaa oo fagaarayaasha ka qeyliya. laakin nasiib daro Askarigani cid ka xanuunsaneysa malahan!
Walaahi magaranayo magaciisa, Qabiilkisa iyo gobolka uu ka soo jeedo, intaasba macno iimalahan ee waxaan garanayaa oo kaliya calanka dharkiisa ku tolan. Waana Calanka dalkeeyga Soomaaliya.
kuwa dul taagan ee uu u afduubanyahay waxay qafaal ahaan ugu haystaan gudaha ciida Soomaaliya, ma’ahan meel kabaxsan dalkiisa ! Askar badan beey horay u dileen, laakin askarigan ujeedo fogg ayay ka leeyihiin, oo ah in fariintoodu gaarto inta dhiig iyo damiir Soomaalinimo ku dambeeyso.
Muxuu yahay haddafka dhabta ah ee kuwa uu u afduubanyahay, Ma islaamnimo, ma Soomaalinimo. mise waa kuwo muuq Soomaaliyeed leh oo u adeegida nacebka iyo caddawga aan jecleyn jiritaanka qaranimada Soomaaliya?
Arintani aad beey halis u tahay wax cusubna ma’aha laakin waxaan la ilmeeyaa faham la’aanta dadkeeyga iyo damiir la’aanta madaxda Soomaaliyeed.
Si ilaahay ogyahay baan uga xanuunsanayaa dhibkasta oo gaara Askarta Soomaaliyeed. mushahar mahaystaan, daryeel mahaystaan, ixtiraam mahaystaan cid u ogna majirto.
Tollow maxaa dhacaya haddii la waayo qof Soomaali ah oo askari u noqda dalkiisa. waxay ila tahay waxaa dhacaya sida uu doonayo caddawga Soomaalida. waadna fahmi kartaa koley.
Walaalayaal haddad qof Islaamnimo iyo Soomaalinimo ila wadaaga aad tahay ka dhiidhi falkan foosha xun.
aan garab siino ciidanka iyo dowladnimadda wixi naga qaldama waan sixi karnaa markaan salka dhulka la helno insha alaah.
Awdalpress.com
By Muuye
The post Gablan Tallo Adduunyo maxay galaba meel joogtey ! (Sawir Xanuun badan) appeared first on Awdalpress.com.