Awdalpress(Muqdisho) 13 Oct. 2015–Madaxda dowlada iyo qeybaha bulshada ayaa ka qeyb galay xaflad lagu maamuusayay maalinta calanka Soomaaliya ee 12-ka Oktoobar taasoo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xaflada ayaa ku beegneyd sanad-guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay xilligii uu sameeyay calanka Jamhuuriyada Soomaaliya Allaha u naxariiste Maxamed Cawaale Liibaan ee sanadkii 1954.
Hobolada faniinta Waaberi ayaa xaflada ku soo bandhigay suugaan la xiriirtay qiimaha calanka.
Wasiirka Wasaarada warfaafinta ee xukuumada Federaalka Maxamed Cabdi Xayir oo ka hadlay xaflada ayaa dadka Soomaaliyed ugu baaqay midnimo iyo inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf.
Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo gabagabadii xaflada ka hadlay ayaa Shacabka Soomaaliyed u sheegay in aysan waxba ka jirin hadalada dhowaan lagu daabacay qaar ka mid ah baraha internetka oo lagu sheegay in astaamaha calanka wax laga bedelayo.
Wuxuu madaxweynaha warkaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo sal iyo raadna toona lahayn, kaasoo uu sheegay in loogu talo galay in lagu jahawareeriyo shacabka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in calanka Soomaaliya uu yahay kii la taagay 26kii Juun sanadkii 1960.
RBK
The post Madaxweyne Xasan ” Ma jiro wax laga bedelayo calanka Soomaaliya” appeared first on Awdalpress.com.