Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo ka hadalay xaalada Gobolka Awdal

$
0
0

saleeban-80x106

Hargeysa (Awdalpress.com)-Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamud Aadan ayaa ka hadlay xaalada gobolka Awdal, dabley weerartay guriga badhasaabka gobolka iyo tartanka ciyaaraha gobolada oo sababay dhimashada laba qof.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta saxaafada kula hadlay xarunta golaha guurtida ayaa ka gaabsaday su’aalo laga waydiiyay xaalada gobolka Awdal iyo in Suldaan Wabar ka danbeeyay Weerarkii lagu Qaaday guriga badhasaabka Awdal waxaanu kaga jawaabay Su’aalihii la Waydiiyay Sidan:-

Su’aal: Xaalada Gobolka Awdal Guddoomiye sideed u aragtaa?

Jawaab: ““Wax dhibaato ah ma jiraan,xaaladu way iska hagaagaysaa”

Su’aal: Guurtidu maxay uga qayb gali wayday xalka laga wado Gobolka Awdal?

Jawaab: guurti ahaan halkii aanu ka gali lahayn Ilaahay inama gaadhsiiyo.

Su’aal :Weerarka maleeshiyada Suldaan Wabar kusoo qaaday guriga badhasaabka maxaad ka leedahay

Jawaab: Anigu suldaan wabar maanta u nisbayn mayo dhibaatada gobolka ka jirta

Su’aal: Nabadgalyo daro awgeed Ciyaarihii Gobolada Saaka Ayaa la ciyaaray miyaanay xaalada gobolku markaa xumeyn?

Jawaab: hadii ciyaarihii gobolka xaaladooda la dajianayo waa iska caadi.
Awdalpress.com

The post Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo ka hadalay xaalada Gobolka Awdal appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles