Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Jaaliyadaha Beelaha Samaroon, Daarood iyo Ciise oo qaadacay kulanka uu rabo in Siilaanyo la qaato Jaaliyada Somaliland ee dalka Ingiriiska

$
0
0

2

Khudbad taariikhi ah oo Madaxweyne Siilaanyo uu caawa ka Jeedin doono hool loogu tala galay in uu kula kulmo Shacabka REER Somaliland, ayaa si Weyn looga hadal hayaa magaalada London. Waxana la filayaa inuu Madaxweyne Siilaanyo caawa la kulmo jaaliyadda Somaliland oo kala qaybsan, kuwaasi oo ku kala qaybsamay xaga afkaarta siyaasad wadaaga dawladnimada Somaliland.

Kulankan ayaa la filayaa in uu Madaxweyne Siilaanyo Kaga warramo xaaladda Guud ee dalka ka taagan, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay loolanka murashaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye oo muddooyinkan Dambe ay rag badani loollan adagi dhex yaallo. Tartanka xoogan ee Musharaxiinta xisbiga Kulmiye ayaa sabab u noqday Kala jab ka dhex muuqda xukuumada uu hogaamiyo M/wayne Axmed siilaanyo oo mudo 2 sano ku dhaw loo kordhiyay xilka badhtamihii sanadkan, Waxaana la arkayaa wasiirrada , wasiir ku xigeennada iyo agaasimayaasha oo Kala taabacsan musharrixiinta ay ka mid yihiin Muuse Biixi iyo Mohamed Biixi Yonis.

Shakiguna meesha uu daarran yahay ayaa ah, wasiirkii Arrimaha dibadda oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweyne Silaanyo oo isaga oo London jooga iclaamiyey musharraxnimadiisa. Waxa kale oo la filayaa in uu Siilaanyo ka hadlo xaaladda G/Awdal oo tartankii ciyaaraha ay ka dhalatay rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac, taas ayaa iyana la filayaa inuu Madaxweynuhu soo hadal qaado.

Laakiin sida ay shabakadda awdalpress wararka ku helayso waxa kulankaa qaaddacay beelaha galbeedka iyo kuwa bariga Somaliland. Lagamana yaabo in dad badan oo ka soo jeeda deegaanadaasi xafladaasi tegaan.
By Haashi Mahamuud Ahmed
FINLAND
hashi0721@hotmail.com

The post Jaaliyadaha Beelaha Samaroon, Daarood iyo Ciise oo qaadacay kulanka uu rabo in Siilaanyo la qaato Jaaliyada Somaliland ee dalka Ingiriiska appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images