Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Maraykanka oo ugu baaqay haweenka Soomaalida Minnesota ka hortaga xagjirnimada

$
0
0

imageAwdalpress(Minnesota)18 oct. 2015-Xeer Ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka Andrew Luger ayaa la kulmay bulshada Soomaalida ee magaalada Minneapolis , waxaana kulanka looga hadlay dadaalada looga hortagayo xagjirnimada dhalinyarada Soomaalida iyo qorshaha ay dowlada Maraykanka ku taagereyso bulshada qurbo joogta ah.
Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay urur ay leeyihiin hooyooyinka Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Voice of East Africa Women, waxaana ka qeyb galay saraakiisha ammaanka iyo kuwa sharciga fuliya.
Xeer Ilaaliyaha guud ee Minnesota Andrew Luger oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowlada Maraykanka ay ku taageereyso Soomaalida dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.
Wuxuu ku nuux nuuxsaday sida ay muhiimka u tahay iskaashi dhexmara Soomaalida iyo shaqsiyaadka sharci fulinta.
Luger ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay in dowlada Maraykanka ay taagerto dhalinyarada Soomaalida taasoo uu sheegay in aysan micnaheedu ahayn inay basaasto isagoo intaas raaciyay in talaabadan ay tahay mid looga hortagayo ficilada argagixisada.
Farxiya Khaliif Maxamuud madaxda ururka Voice of East African Women oo kulanka ka hadashay ayaa u sheegtay Iddaacada VOA-da in ururkeedu uu taageero buuxda siinayo, iskaashi dhexmara maamulka gobolka Minnesota iyo bulshada Soomaalida.
RBK

The post Maraykanka oo ugu baaqay haweenka Soomaalida Minnesota ka hortaga xagjirnimada appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images