Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Kismaayo oo howlgal dhinaca amniga ah laga sameeyay

$
0
0

Howlgal-ciidankaAwdalpress(Muqdisho) 21 July 13–Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ka sameeyay howlgal dhinac ammaanka ah kaddib markii magaalada ay beryahan ka dhaceen falal isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare soo gaaray dad badan oo shacab ah.

Macallin Maxamed Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa Bar-kulan u sheegay in howlgalka ay ku soo qabqabteen dad uusan cadadkoodu sheegin, kuwaasi oo falal amni darri ah ka waday magaalada.

Macallin Maxamed ayaa ku gooddiyay in ay wadi doonaan howlgallada noocaan oo kale ah, tan iyo inta laga xasillinayo guud ahaan ammaanka magaalada Kismaayo.

Mar uu soo hadal qaaday dil magaalada shalay loogu gaystay shan qof, wuxuu sheegay in guddi loo saaray baarista dhacdadaas.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles