Muuse Biixi oo ah nin aad u adag, awood badanna ku leh magaalada Hargeysa ayaa waxa ku socda olole saf ballaadhan ah oo ay ku wadaan siyaasiyiin iyo mas’uuliin miisaan ku leh xisbiga talada haya iyo xukuumadda Ahmed Siilaanyo. Halka kuwo kale oo iyaguna miisaankooda lihi ay u been guurayaan.
Siyaasiyiintan Muuse Biixi isku dayeysa in ay ka horjoogsadaan kursiga ugu sarreeya dalka Somaliland. Ayaa u arka in Muuse yahay nin aan la dhayalsan karin, oo aarsi iyo dektaarooriyad dalka ku maamuli doona. Cabsina ka qaba in haddii uu kursiga fuulo aad isaga fogeyn doono cid kasta oo maalin uun ka hor timid.
Si kastaba arrini ha ahaatee, Muuse waxa uu bilaabay dagaal uu dhan walba rasaasta u ridayo, oo cidkasta oo la tartamaysa iyo kuwa ka soo horjeestaba uu isku dayi doono in uu cagta mariyo. Waana nin dagaalkiisu aad u adag yahay.
Sidaasi waxa ka warqaba Madaxweyne Siilaanyo oo illaa SNMtii ay isa soo ag joogeen, marar badan oo uu isku dayey in Muuse laga takhallusana uu kari waayey. Tusaale ahaan shirkii lagu dooranayey Siilaanyo ee Burco lala tegey, waxa la isku dayey in si kasta loo karbaasho Muuse ama uu oggolaado sida la doonayo. Balse Muuse markii labadaasi u gudboonaatay waxa uu doorbiday in uu carqalad kasta iyo guul darro kasta u samro. Halka uu Abdirahman Aw Cali iyo rag kale ka dudeen shirkaa Burco.
Ugu danbayntii Muuse Biixi, waxa uu fuulay kursiga xisbiga talada haya ee KULMIYE, oo isaga laftiisa in badan laga horjoogsaday. Immigana Muuse waxa uu guntiga u soo adkaystay sidii uu u beddeli lahaa Ahmed Siilaanyo, waxase hoostiisa ka soo baxay rag aan iyagana la dhayalsan karin oo uu ka mid yahay ruug caddaaga Mohamed Biixi Yonis, oo ah nin u soo shaqeeyey hay’do caalami ah, aqoon sarena leh iyo Wadaadka lacagta badan haysta ee Mohamed Samaale.
Laakiin dhinaca kale waxa dab iyo shirqoollo ka hurinaya siyaasiyiinta xisbiga Waddani oo aan doonayn in uu Mohamed Biixi ku soo baxo, Muusena aanu soo bixin. Habeen iyo dharaarra, waxa siyaasiyiintaa is haya dhex muluqlayna odayo iyo afmiinshaarro ka soo jeeda xisbiga Waddani, balse huwan magac qabiil oo H/Yonis ah, isla markaana sita kabriid iyo bansiin. Waxanan ka warqabnaa in Muuse mar lagu dhex sarwiray isaga oo dhex fadhiya Jilib ka mid ah Beesha H/Yoonis. Saxaafadduna ay ku sheegtay in Jilibkaasi uu taageero u fidiyey Muuse Biixi. Balse ay siyaasad uun tahay.
Waxa kale oo iyaguna Muuse Biixi si cad fagaarayaal ugaga soo horjeestay salaadiin Garxajis iyo Habara Walba leh, oo loo fahmay in in sixaabi ku socoto. Oo haddii uu Muuse barri woxoogaa u dhiibo ay is beddeli doonaan. Sidoo kale waxa kiishash dhaadheer sita, xubnaha gobolaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, oo qaxwa fiican ka raba musharrixiinta.
Ragga Ilaahay dhaqaalaha siiyey ee beesha dhexe ayaa iyaguna xidhiidho hoose la samaynaya ragga tartamaya, iyaga oo haddana ka fiirsanaya siyaasiga ay isku hallayn karaan, ee ay hadhaw ka heli karaan qandaraasyo.
Dhinaca beelaha galbeedka ayaa iyagu ku kala jaban Musharrixiintooda xilligan iclaamiyey musharraxnimadooda iyo weliba afarta musharrax ee xisbiga talada haya u tartamaya. Waxana la filayaa in ay dhawaan kala caddaan doonaan ninka ku guulaysan doona kursiga Madaxweyne ku xigeenka oo la is weydiinayo ka uu noqon doono.
La soco qaybaha danbe ee faallada tartanka xisbiga Kulmiye ka dhex socda.
Awdalpress
The post Siyaasiyiin miisaan ku leh xukuumadda Siilaanyo oo u ololaynaya Musharraxa Mohamed Biixi iyo Beesha H/Yonis oo u been guuraysa Muuse Biixi. Waa ayo siyaasiintaasi? appeared first on Awdalpress.com.




