Hargaysa:(Awdalpress.com)-Guddoomiyihii hore ee gobolka awdal Cabdoo axmed Aayar ayaa nasiib daro iyo foolxumo weyn ku tilmaamay inay wasiiro isku xukumadda ka wada tirsani ay la kala saftaan musharaxiinta Xisbiga KULMIYE , waxaanna uu sheegay inay haboontay inay wasiiraddu ku shaqeeyaan aragtidda iyo hiigsiga madaxweynaha igmaday.
Cabdoo Axmed Aayar waxa uu usoo jeediyay musharaxiinta Xisbiga KULMIYE inay loolankooda ku koobaan golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye balse aan wakhtigan loo baahnayn in bulshadda lagu jaahwareeriyo hadalo aan munaasib ku ahayn Xisbiga iyo taageerayaashiisa.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar oo ka hadlayay sidda ay wasiiradda Xukumadda KULMIYE ula kala safteen garabadda garab ee Xukumadda iyo Xisbiga ayaa yidhi ” Waxa nasiib dara ah maalmahann hudheeladda waa weyn iyo Xafladihii la qabanayayba ay ka dhexmuuqdaan wasiiro Xukumadda ka tirsani , Xukuumaddu waa Xukuumad qudha , waa Hogaamin qudha wixii rabitaanka madaxweynaha iyo halkuu ku hogaaminayo iyo aragtidiisa inay kula shaqeeyaanbaa waajib ku ah Wasiiradda , Xukumadduna waxay ku shaqaysaa rabitaanka Xisbiga KULMIYE oo ay ka dhalatay.”
Guddoomiyihii hore ee gobolka Awdal mudane Aayar waxa kale oo uu ka hadlay in madaxweynaha somaliland oo aan wali shaacin inuu sharaxan yahay ay qaarka mid ah wasiiraddiisu u ololeeyaan musharaxiin kale ” Madaxweynuhu hore ayuu ugu dhawaaqay inuu musharax yahay ,dadku wey naawilayaan inay wax iska bedeli karaan mawqifkiisii hore, laakiin maadaama aanay afkiisa kasoo bixin inuu tanaasulay waxay ahayd inay wasiiraddiisu samraan , ma garanayo ninka intaasi sugi waayay wuxuu sugayo ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdoo Aayar.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Awdal wuxuu gefweyn oo nidaamka dowladnimo ku dhaawac ah ku tilmaamay inay xubno ka tirsan golaha wasiiraddu kasoo muuqdaan fagaarayaal lagu dhaliilayo xukumadda iyo hogaaminteeda wuxuuna yidhi ” nasiib darooyinka maanta jira ,waxaad arkaysaa wasiiro fadhiya golayaal lagu dhaliilaayo xukumadda oo iyagu sacabka u tumaya , oo ku raaxaysanaaya ” Guddoomiyihi hore ee Gobolka Awdal Cabdoo Aayar
Shabakada Awdalpress.com
The post Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Awdal Oo Nasiib-Darro Ku Tilmaamay Wasiiro Xukumadda Ka Tirsan Oo U Sacaba Tumaya Dhaliilaha Madaxweynaha Iyo Xukumadda appeared first on Awdalpress.com.




