Taariikhdu waa giraan wareegaysa, aadamuhuna wuxuu maalinba ka galaa meel, in wax tegay la xasuusto ceeb maaha, in wax dhacay oo dhab ah, la sheegaana dhib maaha, in dhirta iyo bani’aadamku isbedelaana waa shay nolosha aan qariib ku ahayn, meel ka dhaca iyo deelqaafkuna milgaha uma fiicnaa, si hufan baynu u guud mari sooyaal la soo dhaafay
Hadaba aniga oo umuurahaasi ka duulaya waxaan jeclaystey in aan hortiina keeno Dr Saleebaan Ciiise Axmed Kaar Xaglotoosiye, inta siyaabood ee marba doc u xuubsiibtay, kolay sababaha keenayna inaguna wax waynu ka odhan karnaa isna runta wuu ka sheegi karaa. Muuqaaladan ayaan inoo soo xidhiidhiyey aniga oo ka duulaya siday u kala horeeyeen, idinkana waxaan idiin dhaafaya faallada iyo falanqaha isbedeladan siyaasadeed ee Dr Xaglotoosiye, mana fiicna in aflagaado shakhsiyadeed lala yimaado, balse kor ka xaadis waa furan yahaye, aan idin kala baxo.
Shabakada Awdalpress.com
The post Daawo Muuqaalo Lahelay Taariikhda Madow Ee Xaglatoosiye Iyo Inta Meelood Ee Uu Iska Sharaxay Ka Shifaad (VIDEO) appeared first on Awdalpress.com.