Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

M/weynaha Switzerland oo booqatay Xeryaha qoxootiga Awbarre iyo M/weynaha DDSI oo ku soo dhaweeyay Garoonka Jigjiga

$
0
0

swiss3Awdalpress(Jigjiga) 25 Oct, 2015–Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya wafti balaadhan oo kakooban mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo ay weheliyaan dhalinyarada iyo kooxaha fanka iyo suugaanta deegaanka ayaa saaka garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal kusoo dhaweeyay madaxwaynaha dalka Switzerland marwo Simonetta Sommaruga iyo wafti balaadhan oo ay hogaaminayso oo booqasho kuyimid deegaanka.

Soo dhawaynta kadib, kulan ay kuqaateen garoonka ayuu madaxwaynuhu kasoo jeediyay khudbad muhiim ah oo taabanaysay dhinacyo badan isagoo ugu horayn sheegay in xukuumada DDSI iyo shacabkeeduba ay kufaraxsan yihiin imaanshaha madaxwaynaha dalka Swiss uu yimaado deegaanka soomaalida itoobiya. wuxuuna uga mahadceliyay in madaxwaynaha dalka Swiss uu kadoorto deegaanada kale ee dalka ee leh qaxootiga sida deegaaanka Tigray, Benishangul inuu booqdo deegaanka soomaalida oo isna leh qaxooti. Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay in booqashadani ay xoojinayso xidhiidhka adag ee kadhexeeya itoobiya iyo Switzerland oo ay waliba kor uqaadayso xidhiidhkoodii soo jireenka ahaa. iyo waliba in booqashadani ay tahay mid taariikhi ah.

Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu ka warbixiyay nidaamka federaaliga iyo dimoqraadiyada kudhisan ee dalka kajirta. wuxuuna tibaaxay in dadwaynaha reer itoobiya ay kucaanbaxeen soo dhawaynta qaxootiga oo kajirta deegaanada ay kamidka yihiin: Tigray, Benishangul, Gambelaha iyo deegaanka soomaalida-oo boqolaal kun oo qof oo soomaliya kasoo qaxay ay kunoolyihiin.

Sidoo kale, wuxuu madaxwaynuhu qeexay in xukuumada deegaanku ay door muhiim ah kacayaarto xalinta khilaafaadka qaxootiga haday tahay iyaga dhexdooda iyo hadii ay bulshada kale isku dhacaanba iyagoo la kaashanaya UNHCR iyo ARRA. isagoo intaa raaciyay in jiritaanka qaxootigu uu leeyahay dhibab kala duwan oo ay ka mid yihiin: xaalufinta deegaanka, cidhiidhi galinta fursadaha dhaqaalaha iyo waliba inay ula tartamaan fursadaha khayraadka deegaanku leeyahay bulshada deegaanka waxaana tusaale u ah biyaha. islakhudbada ayuu madaxwaynuhu carabka ku dhuftay in dhanka wadooyinka deegaanka oo dhibab kajireen intoodii badnayd lafuray balse wali wax u hadhan yihiin tusaale ahaan wadada udhaxaysa jigjiga iyo sheed-dheer oo wali raf ah qorshuhuse yahay in laamiga laga dhigo xili dhaw.

Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay in laga yimaado wadan aad ufog si nolosha loola wadaago bulshada qaxootiga ah ay daliil u tahay in madaxwaynaha dalka Swiss ay tahay qof leh qalbi ay shucuur bini’aadamnimo kudheehan tahay. iyo in dumarku ay kanaxariis badan yihiin raga oo iyana cadayn u ah baahida loo qabo in dunida laga helo dumar badan oo madaxwaynayaal ah.

Dhanka kalana, madaxwaynaha dalka Swiss marwo Simonetta ayaa aad uga mahadcelisay soo dhawaynta diiran ee xukuumada iyo shacabkuba kusoo dhaweeyeen deegaanka. waxayna sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay timaado dalka itoobiya gaar ahaana deegaanka soomaalida oo ay tahay booqashadani mid taariikhi ah. waxayna intaa raacisay, inay aad ugu faraxsan tahay muhiimada kawarhaynta iyo waliba kaqayb qaadaashada xukuumada iyo shacabkeeduba ay ka warhayaan iyo waliba doorka muhiimka ah ee ay kacayaareen jiritaanka qaxootiga iyadoo waliba kamahadcelisay. waxayna hadalkeedii kusoo gunaanaday in uu jiri doono barnaamij lamagac baxay jijiga one health initiative(johi) oo ay kala sixiixan doonaan jaamacada jigjiga.

Ka dib kulankaasi, ayaa waxaa madaxwaynaha dalka Swiss iyo waftigeeda lagu soo dhaweeyay bandhig dhaqameed iyagoo dhamaantoodna lagu gudoonsiiyay hadiyado kala duwan.

Ugu danbayna, kulan gaaban oo labada dhinac fadhi nasasho ah ku yeesheen ayuu madaxwaynaha dalka Swiss iyo waftigeeda loo sii galbiyay dhanka qaxootiga qabalaha shaad-dheer ee degmada Awbarre.

 

The post M/weynaha Switzerland oo booqatay Xeryaha qoxootiga Awbarre iyo M/weynaha DDSI oo ku soo dhaweeyay Garoonka Jigjiga appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles