Boorama(Awdalpress) shirkada isgaadhsiinta casriga ee somtel ayaa adeeg cusub oo internetka ah ku soo bandhig tahay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal adeegaasi oo lagu magacaabo 4G ayaa bulshada ku dhaqan magaalada Boorama ku jabtay isla markaasina aad loogu riyaaqay.
adeegani cusub ayaa wax weyn ka tari doona adeegsi baraha bulshadu ku xidhiidho iyo adeegsiga khadka ee arimaha ganacsiga taasi oo aanay magaaladu heli jirin adeeg hufan oo dhinac ah khadka ah .
shirkada Somtel ayaa horumar weyn ku talaabsatay oo dhinaca khadka labadii sano ee ugu dambeeyey waana shirkada ugu isticmaalah badan khadka internetka ee guud ahaan Magaalada Boorama
Munaasibad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay huteel rays ee magaalada Boorama taasi oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan ,hormuudada jaamacada ku yaala gudaha magaalada Boorama
Halkan Ka Daawo :
The post Shirkada Isgaadhsiinta Casriga Somtel Oo Adeega Cusub Ee 4G Ku Soo Bandhigtay Boorama appeared first on Awdalpress.com.