Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Raysal/Wasaaraha Hindiya oo ku kulmay Delhi

$
0
0

imageAwdalpress(Delhi) 30 Oct. 2015-Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay reysul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi iyagoo ka wadahadlay sii xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya.
Kulanka ayaa looga hadlay wada shaqeynta iyo soo nooleynta xiriirka ganacsi iyo kan waxbarsho ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Hindiya iyadoo reysul wasaaraha dalkaas uu ballanqaaday inuu soo celin doono xiriirkaas.
Wafdiga madaxweynaha ayaa hor dhigay dowladda Hindiya sida dalkeenu xiligan uga soo kabsanayo dagaalada iyo dhibaatada uu muddada dheer ku soo jiryay iyo dagaalka lagula jiro argagaxisada.
Reysul wasaaraha Hindia ayaa ballanqaaday in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan arimaha waxbarashada iyo iskaashi laga yeesho la dagaalanka argagaxisada iyo taakuleynta dhanka mileteriga.
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waddankiisu diyaar u yahay soo nooleynta xiriirkii ganacsiga ee Soomaaliya iyo Hindiya.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Delhi wuxuu la kulmi doonaa qaar ka mid ah madaxda dalalka afrika ee ka qeyb gashay shirka iskaashiga wadamada Afrika iyo Hindiya.
RBK

The post Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Raysal/Wasaaraha Hindiya oo ku kulmay Delhi appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles