FAALO:Waxaynu ognahay sida xaqiiqada ah in SOMALILAND ey ka kooban-tahay SHAN GOBOL iyo SIDEED & TOBAN DEGMO ( 5 region & 18 districts ), sidey wali Hay’addaha caalamiga, kuwa deeqbixiyayaasha wax ku bixiyaan iyo international Community ula macaamisho. Balse Gobolo badan lamagacaabey lehna maamuladoodi ey shaqeeyaan ilaa eega.
BAKI waa Caasimadii amaba Magaalo madaxdii hore ee Gobolka Awdal, dhankasta waxaa kaga xeeran Buuro leh durdur iyo Bustaano. Waa magaalo cimiladeedu aad u fiicantahay loona dalxiis imankaro, kuna fiican dalxiiska nolosheedu aad u jabantahay. Dagmadda BAKI waxay leedahay magaalooyin sida; BAKI, CALI-XAYDH, DILLA, XAMARTA, RUQI,XOOREY, FADHI-XUN, XEEGO, XAMARTA OGEED, CADAAD iyo qaarkaloo halkan kusoo koobi karin.
Dagmada BAKI waxay ku caan tahay Khayraadka uu ilaahey ku galadeystey sida BEERAHA iyo MACDANTA. BEERAHA waxay Dagmadani leedahay dhul-bustaano ku caana oo soo saara dalagyo kala duwan sida: KHUDRADAHA, XABXABKA iyo GEEDWEYNTA LACUNO. Taasiyoo xataa wadamada jaarka ah lageeyo. iyadooynu ognahay eega iney kaalin firfircoon ka qaadato waxsoosarka dalkeena. Dhanka kale Dagmadu wuxuu ilaahay Qani kaga dhigay MACDANTA oo dalkeena dhaqaale ahaan kor uqaadaya hadii sifiican Qorshe waxku oola loogu dajiyo soosaarka Macdanta dalkeena ku jirta taasiyoo eynu kaga mid ahaan karno wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.
Iyadooynu ognahay in degmada BAKI ey ku noolyihiin dad badan laguna qiyaasi karo kudhawaad 100,000 qof. Waxaynu ka wadda dharagsan-nahay in xildhibaan kastaaba uu soo qoro baahiyaha dagamada laga soo doorto iyo xuquuqda ka maqan uuna u gudbiyo baarlamaanka iyo madaxweynaha Qaran jumhuuriyadda Somaliland, hadaba xildhibaanadii kaga jirey labada Golle Baarlamaan maxay ku mashquulsan yihiin illaa Eega. Sidoo kale Xubnaha kaga jira Xukuumadda Madaxweyne Dr. AXMED MAXAMED MAXAMUUD ( SIILAANYO) iney wali garanlaayihiin sidii ey Madaxweynaha uga dhaadhicin lahaayeen iney u qalanto DAGMADA BAKI Gobol, balse Magaaladu waxay aheyd Caasimada Gobolka AWDAL. si kastooy ahaataba laga badaley sanadku markuu ahaa 1993 wixii ka dambeeyey shirkii BOORAMA. Hadaba Madaxweyne SIILAANYO inuu ugarto sidii Degmooyinkii horeba loogu gaaryeelay caasimad Goboleedyo.
Waxaynu aad uga dharagsan nahay sida habsami usocodka iyo horumarka uu dalkeenu kusoo talaabsadey mudadii 5-sanno, taasi ooynu hogaanka wacan ildheernimadu ku jirto uu inagu hogaaminayo Madaxdeynaheena Dr. AXMED MAXAMED MAXAMUUD ( SIILAANYO) ; hadeynu tusaale usoo qaadano sida wacan ee ula helay magacabista Magaalo Taariikhiga iyo mid ku suntan Halgankii Daraawiishi kaga soo horjeedey Gumeystihii BRITIAN oo xarun u aheyd TALEEX. Waa mid umadda Jumhuuriyada Somaliland aad ugu farxeen magacaabista Gobolka XAYSIMO. Midaa mid lamida waxay ka sugayaan shacabka jamhuuriyadda Somaliland Madaxweynahooda Dr. AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) inuu ugu magacaabo Gobolka SIIMOODI ee magaalo madax u ahandoonto Magaalada BAKI.
Ma la odhankaraa wakhtigii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin bixinayey Gobolada in laba arimood uga reebey Degmada BAKI inuu ugarto sidii Degmooyinkii kale iyadna gooni usiiyo GOBOL ahaan:
(1) dadka ku dhaqani iney majooratigoodu ey taageersanaayeen xisbiga KULMIYE ama uusan ka rejeyneyn wax cod fiicanna. sidii ka muuqatey dadka hayb ahaan wadaagan ee degen SISIBTA iyo BARIGA BOORAMA.
(2) in inta badan Siyaasiyiinta Degmada iney yihiin kuwo Afgaaba iyo xubnihii Xukuumadii RAYAALE ee kaga jirey iney gabeen kaalintoodi .
Waxaynu ka wadda dharagsan-nahay in xildhibaan kastaaba uu soo qoro baahiyaha dagamada laga soo doorto iyo xuquuqda ka maqan uuna u gudbiyo baarlamaanka iyo madaxweynaha Qaran jumhuuriyadda Somaliland, hadaba xildhibaanadii kaga jirey labada Golle Baarlamaan maxay ku mashquulsan yihiin illaa Eega.
Wabilahi Tawfiiq
AQOOYAHAN: Eng. Abdilahi Hassan Abdilahi
The post Isbaddaladii Siyaasadeed Ee Soo Maray Degmada BAKI appeared first on Awdalpress.com.





