Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Nicholas kay Oo Ka Hadlay Weerarkii Muqdisho

$
0
0

nicholas-kay-united-nationswaddamada Beesha caalamka ee taageera Soomaaliya iyo Qaramada midoobay ayaa si isku mid ah u canbaareeyay weerarkii Maanta Lagu Qaaday Hotel Saxafi oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Nicklose kay uqaabilsanaha arimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobe ayaa cambaareeyay weerakaasi Saxafi Hotel isagoo ku tilmaamay mid laga xumaado.

Wuxuu tilmaamay Nicklose kay in weerarkani uu muujinayo sida dowlada Soomaaliya ay ugu baahantahay in laga caawiyo dhinacyada laamaha amniga.

“Waxay tani muujinaysaa baahida saaidka ah ee ay dowladu u qabto in laga cawiyo dhanka laamaha aminga, si ay dowladu u xoojiso dagaalka Argagixisada, waxaan tacsi udirayaa dhamaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi” ayuu yiri Nicklose Kay.

Dhanka kale dowlada Britain ayaa cambaareysay weerakani kadhacay Hotel Saxafi.

Haweenayda Britain uqaabilsan Soomaaliya Harriet Mathews ayaa tiri “Waa murug inaan maqlo weerarka Hotel Saxafi waxaan la murugoonayaa dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay.”

Waxay qeexday in tani ay muujinayso sida uu muhiimga uyahay dagaalka Al-shabab.

The post Nicholas kay Oo Ka Hadlay Weerarkii Muqdisho appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images