Awdalpress(Wajaale) 01 Nov. 2015– Kooxo wadaado ah oo ka mid ah ganacsatada wajaale ayaa olole inqilaab ah oo ay xilka kaga tuurayaan ku qaaday gudoomiyaha degmada wajaale Axmed Muuse.
Kooxdan ayaa gudoomiyuhu ka hor istaagay dhul ay si sharci daro ah uga dhisanayeen madarasado kuwa lagu barto af carabiga iyo manhajka Sucuudiga, Gudoomiye Aaden Muuse ayaa u sheegay kooxda wadaada ah in dhulkaasi yahay dhul danguud ah, isla markaana aanu marna ogolaanayn in koox ama shaqsiyaad dano gaar ah wataa ka dhistaan dhismayaal u gaar ah.
Kooxda wadaada ah ayaa ka bacdi ka faaidaystay wakhtigii xukuumada siilaanyo ku mashquulsanayd iscasilaada wasiiradii ku caasi garoobay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, waxaanay waraaq qoraal ah oo dacwad ah u gudbiyeen wasiir Warancade, taas oo wasiirka arimaha guduhu uu wadaada u qoray magacaabis nin ay doonayeen in lagu bedelo gudoomiyaha wajaale, Arintaas oo markii la maqlay la is hortaagay oo aan dhaqan galin..
Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa waxay dareen shiki ah ay ku abuurtay dhanka wadanka deriska ah ee Ethoipia gaar ahaan DDSI, taas oo si gaar ah isha ugu haysa Lana socota waxa uu ku dambayn doono natiijada dhaqdhaqaaqa isbedel ee kooxdaasi ka wado magaalada ganacsi ee wajaale deriskana la ah Wajaale Ethoipia. Wararka naga soo gaadhaya wajaale Somaliland waxay tibaaxayaan in arinta inqilaabka ah ee ay wataan kooxda wadaada ah ay ka biyo diideen duqayda, ganacsatada iyo waxgaradka degmada wajaale.
Dadweynaha degmada wajaale ayaa iyagu ka sugayay xukuumada Somaliland iyo wasaarada arimaha gudaha inay isku dheelitiraan xubnaha maamulka degmada wajaale oo deegaanka galbeedku u arkaan inay ka maqan yihiin xilalka degmada, tan iyo mudadii xilka uu la wareegay Kulmiye, waxaana inta badan la eedeeyaa wasiirkii hore ee maaliyada C/casiis Samaale iyo xulafadiisii..
Awdalpress
Desk Wajaale
The post Kooxo Wadaado ah oo inqilaab ku wada gudoomiyaha wajaale iyo dareenka DDSI appeared first on Awdalpress.com.





