Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

M/waynaha jam. Dim. Fedraalka Itoobiya iyo M/waynaha DDSI oo wadajir xadhiga uga jaray Xarunta cusub ee madaxtooyada DDSI

$
0
0

imageAwdalpress(Jigjiga) 01 Nov. 2015–Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamud Cumar iyo madaxwaynaha JDFI Dr.Mulatu Tashoma ayaa si wad jir ah uga jaray xadhiga dhismaha xarunta madaxtooyada cusub oo ay ka mid yihiin dhismaha hoolka shirarka jigjiga dhismahan Xarunta Madaxtooyada oo ah mid mudo kooban lagu hirgaliyay ayaa ah mid gashi horumarineed u noqonaysa guud ahaanba DDSI.

Waxaana xafladaasi xadhig ka jarka ka ugu horayntii ka hadlay Madaxwaynaha Mudane cabdi maxamuud cumar oo ka warbixiyay marxaladaha iyo isbadalada horumarineed ee ka hirgalay deegaanka gaar ahaan guulaha horumarineed ee 5tii sano ee ugu danbeeyay ay gaadhay xukuumada DDSI iyo shacabkeedu oo kaashanaya JDFI gaar ahaan kor u qaadida adeegyada Aasaasiga ah ee horumarka sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, wax soo saarka xoojinta dhinaca beeraha, jidadka abuuritaanka ilaha shaqada la dagaalanka saboolnimada iyo xidhiidhka arimaha dibada kana go’antahay xukuumada DDSI iyo shacabkeeda sii joogtaynta iyo xoojinta horumar buuxo oo dhinac kasta leh.

Madaxwaynaha JDFI mudane Dr Mulatu Teshome ayaa Madashaasi xadhig ka jarka ka soo jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa kuna qotonta isbadalka horumarineed iyo xasilooni ee sida dhaw uga hirgalay guud ahaanba deegaanka taasina ay ku timiday dadaalka balaadhan ee xukuumada DDSI iyo shacabkeedu u galeen ka midho dhalinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed.

Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu ka warbixiyey socdaalkii uu ku soo maray qaarka mid ah gobolada deegaanka taasi oo uu sheegay in uu indhihiisa ku soo arkay horumar buuxa oo ka hirgalay deeganka iyo xasilooni aan taam ah taasina ay keentay hogaaminta sare ee xukuumada DDSI iyo shacabka DDSI oo ay ka go’antahay gaadhida horumar aan soo noqosho lahayn iyo sida loogu diyaar garobay hirgalinta qorshaha GTP2 ga oo ah mid guud ahaan dalku dadaal xoogan ugu jiro hirgalintiisa.
Source: cakaaranews

The post M/waynaha jam. Dim. Fedraalka Itoobiya iyo M/waynaha DDSI oo wadajir xadhiga uga jaray Xarunta cusub ee madaxtooyada DDSI appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images