Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga Soomaaliya oo lagu dilay weerarkii Saxafi

$
0
0

imageAwdalpress(Muqdisho) 01 Nov. 2015-Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga Soomaaliya, Jeneraal Cabdikariin Yuusuf (Dhego-badan) ayaa ka mid ah mas’uuliyiin saaka lagu dilay weerar lagu qaaday hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Jeneraal Dhego-badan ayaa door wayn ku lahaa howlgalladii kooxda Al-Shabaab looga saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011.
Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarka oo ay geysatay kooxda Al-Shabaab.
Dad kale oo caan ah oo ku dhintay weerarka ayaa waxaa ka mid ah milkiilaha hoteelka la weeraray, Cabdirashiid Ilqeynte, mudane ka tirsanaa baarlamaanka federaalka, Xildhibaan Cabdi Abtidoon iyo sawir-qaade u shaqeynayay telefishinka Al Jazeera, Mustaf Cabdi.
Ciidamada nabadda sugidda ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan weerarka, kaddib markii ay gudaha u galeen hoteelka oo ay markii hore qabsadeen dableyda, waxayna ciidanku soo badbaadiyeen dad badan oo gudaha hoteelka ku jiray.
Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in socota ururinta inta uu la’eg yahay khasaaraha guud ee ka dhashay weerarka, wuxuu ku ammaanay ciidamada tallaabada ay qaadeen ee ay ku soo gabagabeeyeen howlgalka.
Hoteelka waxaa aalaaba isticmaala saraakiisha dowladda iyo ganacsatada, horey ayaana loo beegsaday.
Sanadkii 2009, labo la taliyeyaal dhinaca ammaanka ah oo u dhashay France ayaa hoteelkan laga afduubay.
RBK

The post Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga Soomaaliya oo lagu dilay weerarkii Saxafi appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images