A
wdalpress(Wajaale) 04 Nov. 2015–Wararka Caawa naga soo gaadhaya magaalada wajaale ee Somaliland ayaa waxay sheegaan in dadweynaha magaalada degen ay si xoog ah uga cadhaysan yihiin Imaatinka wasiiro si qarsoodi ah ku soo galay Caawa magaalada, masuuliyiin taasi oo wada hawlo faro gelin ah oo aanay ogayn maamulka gobolka gabilay ayaa loo malaynayaa inay wadaan qorshe hore u fashilmay oo koox wadaado ahi doonayeen inay ku afgambiyaan gudoomiyaha maamulka wajaale ee Somaliland, wasiirada yimid oo kala ah wasiirka warshadaha Shucayb iyo W/xigeenka Amniga Maxamed Muuse ayaa iyaga socdaalkoodu yahay sidii ay u fulin lahaayeen hindisihii dhicisoobay ee kooxda urur diimeedka ahayd ku doonayeen inay xukunka kaga tuuraan Gudoomiye Aaden Muuse oo ah xil hayeenka maamulka wajaale.
Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Warshadaha Somaliland shucayb maxamed oo maalmahan u dambeyay ay la xidhiidhayeen kooxda ridaysa maamulka wajaale ayaa la sheegayaa inay wasiirka hanti lacageed oo aan qadarkeeda la sheegin siiyeen si uu uga caawiyo keenista maamul kooxdaasi ka amar qaata.
Dhanka kalana gudida horumarinta wajaale xubin ka mid ah oo magaciisa ku soo gaabiyay Xasan ayaa u sheegay shabakada in shacabka wajaale ay maalinta beri ah kaga jawaabi doonaan banaanbax arimo khaldan oo uu sheegay inay wataan wasiiro cid gaar ah u adeegaya.
Qadiyada wajaale ee la xidhiidha afgambiga lagu wado gudoomiyaha ayaa waxa maalmahan si aad ah uga hadlayay dadweynaha iyo waxgaradka magaalada, kuwaas oo tvyada ka sheegayay in aanay u baahnayn faro galin iyo in gudoomiyaha laga bedelo.
Awdalpress
The post Shacabka Magaalada Wajaale oo laga cabsi qabo inay banaanbax kala hor yimaadaan wasiiro qarsoodi Caawa ku tegay.. appeared first on Awdalpress.com.





