Fadeexadaha tartanka xisbiyada oo heerkii ugu sarraysey maraya, qayb ka mid ah oo Hargeysa ka dhacday halkan ka akhriso.
Hargeysa October 4,2015(Haatuf)-Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid ayaa Xoghayaha dawladda hoosee Hargeysa Ibraahim Raabi ku masabiday danbi aanu lahayn si shaqada looga eryo iyadoo uu ku eedeeyey inuu lacag ku taakuleeyo ollolaha murashaxnimada xildhidhibaan Axmed Kijaandhe oo sadexdooduba isku beel ka soo wada jeedaan.
Siday ilo u dhuun daloola xildhibaan Kijaandhe ay noo sheegeen Xasan Siciid ayaa markiisa hore xoghayaha dawladda hoosee Ibraahim waydiistay inuu lacag baad oo kale ah siiyo.Hasa yeeshee markii uu Ibraahim ka cudur daartay arintaasi ee uu Xasan Siciid u sheegay in aanu xata awood u lahayn habayaraatee inuu lacag dawladda hoose leedahay bixiyo ayaa Xasan Siciid oo taas hagrasho u-qaatay waxa uu meelwalba mariyey in xoghayaha dawladda hoosee Hargeysa uu lacag siiyo Kijaandhe iyadoo uu soo jeediyey in jagadiisa loo magacaabo nin la yidhaahdo Cabdi Giire.
Xildhibaan Axmed Kijaandhe oo aanu sheekadan wax ka weydiinay ayaa isagu arinta uu Xasan Siciid ku eedeeyey xoghaye Ibraahim ku tilmaamay wax laga khajilo ,waxaanu sheegay in aanay waxba ka jirin lacag uu Ibraahim waydiistay iyo mid uu ka qaatay toona.
Awdalpress
The post Fadeexad ka dhacday Hargeysa oo dusha loo saaray xisbiga Kulmiye ( Halkan ka akhriso ) appeared first on Awdalpress.com.






