Awdalpress – London – Niman odayaal ah oo tiradoodu gaadhayso illaa iyo dhawr iyo toban nin oo saddex aan la garanayn mooyaane inta kale ka soo jeedaan beesha Maxad Case ayaa si badheedh ah oo ficil qabiil ah u sheegay in ay taageersan yihiin Abdirahman Saylici iyo Muuse Biixi.
Dhawqan ayaa ah mid dhaawac weyn u geysanaya siyaasadda Abdirahman Saylici iyo Muuse Bixi, isla markaana kala fogeynaya beelaha kale gobollada Awdal iyo Salal.
Odayadan oo intooda badani aanay ahayn kuwa caamka ah ee la yaqaanno, ayaa si ficil qabiil ah ummadda u sii kala firdhiyey, waxana immiga ka socda magaalada Borama abaabul kale oo ka soo horjeeda. Sidoo kale waxa ay kooxo dhallin yar ahi ku hawlan yihiin sidii ay uga dareen celin lahaayeen qabyaaladda laga dhex wado gobollada Awdal iyo Salal.
Arrintan ay odayadani ka dhawaajiyeen ayaa nacayb iyo cadaawad u soo kordhinaysa Abdirahman Saylici iyo Muse Bixi. Waxana ay abuuraysaa mucaaridad xoog badan iyo taageero aan caadi ahayn oo loo fidiyo xisbiyada kale ee Wadani iyo UCID.
The post Odayaal beesha Maxad Case ah oo sheegay in ay dooran doonaan Muuse Biixi iyo Abdirahman Saylici appeared first on Awdalpress.com.






