Muuse Biixi xaq buu u leeyahay in uu ka dhex tartamo xisbiga uu hoggaamiyaha u yahay ee Kulmiye, in lala tartamana xaq baa loogu leeyahay. Laakiin waxa muuqata in uu Muuse iska ciidaynayo xaqa uu leeyahay. Balse aan laga ciidaynayn, Sabab?
Sida uu Muuse ku soo xushay tirada ergada ee isaga ( guddoomiye ahaan ) loo qoondeeyey waxa uu ku saleeyey qabiil hoose, intii ay naftiisu is tidhi kalsooni baad ku qabtaa ayuuna badka soo dhigay, waxana uu iska fogeeyey shucuubtii kale ee uu hadhaw codka ka doonayey. Abdirahman Zaylicina sidoo kale waxa uu xushay in la yaqaanno.
Falalka noocaasi ahi waa gaf ay ka galeen dadka aan ka midka ahay, ee ay taageerada ka doonayaan. Waxana u fiicnayd in calal-aqal ay taageero ka raadiyaan muddakarka aan qabiilkooda ama ka duddada ugu jira midna aan ahayn. Waana godob u qarsoon oo aan lagu saamaxaynin.
Way dhici kartaa in lagu kala baxo shirka bishan u qabsoomi doona Kulmiye ( waa haddii uu shirka Kulmiye suurto galo oo aan dib loo dhigin ). Waxana ay u dhawdahay in la doorto Muuse Biixi iyo Abdirahan Zaylici oo wada socda ama kala hadhan. Laakiin su’aashu waxa ay noqonaysaa cidda ay cod ka helayaan, marka tartanka weyni uu yimaaddo.
Waxan ognahay in ay cadaawad siyaasadeed oo aan hore loo maqlini ay ka jirto Hargeysa, Borama, Burco, Ceeri-Gaabo, Laascaanood, Berbera, Gebilay iyo Buuhoodle, in dadkii kala qaybsamay oo aanay sheekadu la mid ahayn tii Rayaale lagu riday ama Siilaanyo lagu doortayna way caddahay. Haldoor doobinaya oo cod kar ah ayaa maalin walba shaashadaha laga daawadaa, kuwaasi oo ku dhilaya Muuse Bixi iyo kooxdiisa ama taageeraya Muuse Bixi. Dhinaca kala waxa laga arkayaa in ay qabyaaladdii iyo mujtamacii fur furtay, taasi oo musharrixiinta Kulmiye ay sabab u yihiin, xisbigana khatar ku ah.
Hadal haynta qabiil haddii aan hoos ugu sii dhaadhacno. H/Jeclo maanta way ka degeysaa kursiga, xiisana u ma hayso cidda la dooran doono, maaddaama aanay iyagu maanta doorasho rabin, sidaasi daraaddeed ayaa haldoorkoodiina uu isku sii barking garaynaaa ama sii cidhiidhsanayaa meelaha kale iyo xisbiyada ay is leeyihiin wax baad mustaqbalka ka noqon kartaan. Weliba aan ku sii daree beeshu way qaybsami doontaa, oo tiro aan %40 ka yarayn oo Xirsi wato ayaa ka bixi doonta xisbiga Kulmiye kuna biiri doonta Wadani. Waa sida saadaasha ruug caddaagu sheegayo’e.
Beesha Sacad Muse way qabsameen, waxana qaybiyey ragga musharrixiinta ah ee ka soo jeeda iyo mabda’ ooga ay ku kala duwan yihiin iyo ilbaxnimada ku soo beegantay wakhtiga ay tartanka madaxtinnimo ay hungureeyeen baana yeelay, oo bulshadii ay ku xisaabtamayeen way sii ilbaxday, da’yartii wax bay bartay, dhaqaale aan caadi ahayn ayaa dadka qaar ku xisaabtamayaan, cid ay siyaasadda qabiil ka iibin karaan ayaaba iska yar. Waxase dadkii la yaab ku noqotay tirada yar ee golaha dhexe ee xisbiga ee si xor ah u fikiri la’ isla markaana aan laga filayn in ay doortaan musharrax hufan, aqoon iyo sumcad fiican leh oo dadka u cuntami kara, isla markaana ay ku kala saaraan doorasho xalaal ah.
In golihii dhexe ee Kulmiye lagu maamulayo Laaluush, qabiil, khiyaamo iyo kooxaysi ( Subxaana Laah ) ayaa ka dhex muuqata, oo ay shacabkii arkayaan. Xubnaha ka tirsan golaha dhexe ee Kulmiye in sidii adhiga loogu soo xereeyo xero, laga dhammaysto muraadka la leeyahayna, waxa ay u tahay sharaf darro iyo in aanay dalka u tudhayn. Hoggaanka uu Muse Bixi madaxa ka yahay waxa ay ku noqonaysaa ceeb iyo sumcad xumo ay hoog iyo guul darro ka qaadaan.
Ahmedweli Goth
The post Guul darrada xisbiga Kulmiye soo wajahday iyo fursadda ay isaga cayaareen Muuse Biixi iyo Abdirahman Zaylici. appeared first on Awdalpress.com.




