Xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa barqadii maanta lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.
Rag hubeysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa gaari ay wateen waxay ku hor-gooyeen gaari uu saarnaa xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan, kaddibna rasaas ayay ku fureen.
Xildhibaan Gurxan ayaa la sheegayaa inuu soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana loola cararay isbitaal ku yaalla caasimadda.
Kooxda weerarka geysatay ayaa isla markiiba goobta ka baxsatay.
Xildhibaanka ayaa u socday xarunta baarlamaanka markii weerarka loo geystay.
Baarlamaanka federaalka ayaa toddobaadkan billaabay kalfadhigiisii toddobaad kaddib labo bil oo fasax ah.
Dowladda wali kama hadlin weerarka.
Hay’adaha ammaanka ee dowladda ayaa aalaaba ku eedeeya kooxda Al-Shabaab inay ka dambeyso weerarrada ka dhanka ah siyaasiyiinta, mas’uuliyiinta dowladda iyo weriyeyaasha.
The post Xildhibaan lagu dhaawacay Muqdisho appeared first on Awdalpress.com.






