Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Maansadii Dushaad Bare Iiga Tahay..By Abwaan Mustafe Dhimbiil

$
0
0

abwaan dhibmiilwaxaan ka mid ahayd ardayda dhigata jaamacada camuud ee Gobolka Awdal waxaa halkan ku soo gudbiyaan MAANSO la magac baxday DUSHAAD BARE Iiga Tahay oo aan u tiriyey abwaan bashiir sheekh cumar goth.

 

 

 

 

Iga gudooma maansadu :

Dareen baa igu jiroo

Waxaan dirayaa hadyade

Abwaan lagu soo daydiyo

Ma ihi gabayaa da,a weyn

Hayeeshee waxaa dirqiya

Innaan geeraar dal dallo

Dabaylaha wada socdiyo

Duruufaha maanta jira

Mar kaan daba dhoon u ahay

Bashiiroow gabay duxloo.  {Bashiir Good}

Soomalidu daawatoo

Taariikh daabkiisu yahay

Aqoon dabarkiisu yahay

Arar laga daalin iyo

Hal hays duubkiisu yahay

Addaa noo soo diroo

Waxaan kaa daalacdaa

Tiifiiyada dananayoo

Tixraac an daba socdoo

Murtida kala soo degoo

Maansada ku dallaandalshiyo

Dushaad bare iiga tahay.

Dubaaqa ku hay adeer.

Intaad nooshay dunida

Darajaan kugu ogahay

Suugaantana noo daryeel.

…Abwaan mustafe barkhad cabdilaahi (Abwaan Dhimbiil )

 

 

 

 

The post Maansadii Dushaad Bare Iiga Tahay..By Abwaan Mustafe Dhimbiil appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images